GAALKACYO: Madaxweynaha Puntland oo daah-furay imataxaanadka shaahadiga ah ee dugsiyada sare

HomeWararka

GAALKACYO: Madaxweynaha Puntland oo daah-furay imataxaanadka shaahadiga ah ee dugsiyada sare

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay

War murtiyeed laga soo saaray Shirka DFS iyo Dowlad Goboleedyada (akhriso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Mudug waa sidee xaalada guud ee amniga Gobalka,? maxaa xal ah oo laga gaaray colaadii Towfiiq?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo ardey.

Dowladdu waxay xoojisay feejignaanta caafimaad ee ardayda iyadoo maanka lagu hayo xaaladda Covid-19, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaana ka wada shaqeeyay in la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale.

Madaxweynaha ayaa Imtixaanaadka sanadka ku daah-furay Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug.

Ardeyda Imtixaanka loo daah-furay guud ahaan Puntland waa 16,500 oo ardey, 5,447 Ardey oo ka mid ah waa Dugsiga Sare halka 11,053 Ardey ay u fariisanayaan Imtixaanka Fasalka 8-aad.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo iyo dardaaran la wadaagay ardeyda, isagoo u rajeeyay guul iyo in alle u fududeeyo Imtixaanaadka.

Daah-furka Imtixaanaadka waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Xubnaha Golaha Wasiirada oo ay ugu horeyaan Masuuliyiinta Waxbarashada, Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: