Maraykanka oo shaaciyay in ciidamadiisu ka qeybgaleen Howlgalkii Janaale

Maraykanka oo shaaciyay in ciidamadiisu ka qeybgaleen Howlgalkii Janaale

Taliska Ciidamada Maraykanka Qaaradda Afrika ayaa shaaciyay in ciidamadiisu ay ka qeybqaateen dagaalkii ku dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab deegaanka Janaale gobolka Sh/hoose.

Qoraal ka soo baxay taliska Africom ayaa lagu faahfaahiyay in ciidamada Maraykanka ay goobjoog ka ahaayeen dagaalkaa ayna la talinayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale Taliska Ciidamada Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in ay duqeyn ka geysteen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose 16kii illaa 17kii bishan March.

Duqeyntan ayaa taliska Maraykanka uu sheegay inay illaa shan jeer ku garaaceen fariisimo ay Alshabaab isku urursanayay.

“Waxaa naga go’an in aan sii wadno dagaalka aan kula jirno al-Shabaab si aan dalka uga cirib tirno.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Africom.

Sidoo kale Africom qoraalkooda waxa ay ku sheegeen in qiimeyn ay sameeyeen hawlgalka kadib ay ku xaqiijiyiin in dadka shacab ah aysan waxba ku noqon.

Duqeymo ay hore ciidamada Maraykanka ka geysteen dhowaan deegaan ku dhow Janaale ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad rayid ah.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com