Wasiiro Cusub oo lagu dhaariyeey Madaxtooyada Garoowe (Daawo)

Wasiirada Cusub ee uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni magacaabay Oktoobar, 21, 2019 ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey.

Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa dhaarisay Wasiiru Dowlayaasha iyo Wasiir ku-xigeenada, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirada loo dhaariyey masuuliyadda ay u qabteen shacabkooda ayaa kala ah.

1. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan

2. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Bashiir Jaamac Maxamed

3. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Axmed Shire Siciid

4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Fardowso Cismaan Cigaal

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay kasoo dhalaalaan masuuliyadda loo’igmaday ee ay ku dhaarteen inay si daacadnimoleh oo ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diintu ugu adeegaan shacabkooda, waxaana uu Alle “SWC” uga baryey inuu u fududeeyo waajibaadkooda shaqo.

Hoos ka daawo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com