Wasaarada Haweenka DFS oo kulan u qabatay haweenka Soomaaliyeed si looga hadlo dhibaatada uu sababay cudurka COVID-19

Wasaarada Haweenka DFS oo kulan u qabatay haweenka Soomaaliyeed si looga hadlo dhibaatada uu sababay cudurka COVID-19

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanuhu ee Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta shir u qabatay haweenka ka tirsan hogaamiyayaasha bulshada rayidka ah iyo warbaahinta si looga wada hadlo dadaalka loogu jiro adkeynta doorka hogaamineed ee haweenka Soomaaliyeed marka ay timaado ilaalinta xuquuqda dadka nugul sida haweenka, carruurta iyo naafada, iyo weliba xilliyada ay jiraan musiibooyinka, gaar ahaanna xanuunka COVID-19.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Deeqa Yaasiin Xaaji Yusuf oo shirka furtay ayaa ku dhawaaqday in wasaaraddu ay billowday taakuleyn lacag loogu aruurinayo qoysaska nugul, gaar ahaanna dadka noloshooda uu saameeyay bandowga looga hortagayo faafitaanka xanuunka COVID-19.

Sida ay shaaca ka qaaday Wasiir Deeqa Yaasin, qoysaska ayaa inta badan ku tiirsanaan jiray haweenka oo ah kuwa soo saara dakhliga qoyska taasoo keentay inay ka istaagaan ganacsiyadii yaryaraa sida goobaha shaaha, qudaarta iyo caanaha lagu iibiyo. Xilligan oo dadku ay guryaha ku jiraan ayay Wasiir Deeqa sheegtay in ay adkaatay in haweenkani ay sii wadaan taageeradii ay siin jireen qoysaskooda iyadoo uu soo foodsaaray culays dhanka dhaqaalaha ah.

Tallaabadan oo ay soo dhaweeyeen haweenka hormuudka ka ah ururada bulshada ayaa looga gol leeyahay bilaabitaanka raashin la gaarsiinayo 100 qoys oo ah kuwa ugu nugul bulshada ee ku nool xeryhaha barakacayaasha iyadoo la ballaarin doono lacag aruurinta si loo gaaro qoysas intaa ka badan.
“Maadaama ay na soo hayso bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waliba lagu jiro xillo adag, waxaa waajib inaga saaranyahay inaan garab istaagno dadkeenna nugul; Wasaaraddu waxaa ay bilowday lacag aruurin ay hormuud ka yihiin hoogaanka wasaaradda iyo shaqaalaha si raashin loo gaarsiiyo qoysaskeenna nugul inta lagu jiro bisha barakaysan, annagoo ku bilaabayna 100 qoys wajiga koowaad” ayay ka dhawaajisay wasiir Deeqa Yaasiin.

“Lacag aruurinta waa ay sii socon doontaa, waxaana lagaaruurin doonaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool gudaha dalka iyo dibadiisaba, si loo gaaro qoysas intaa ka badan” ayay sii raacisay wasiirku.

“Dawladda waxaa ka go’an inay taageerto dadaallada noocaan oo kala ah si loo caawiyo kuwa ugu nugul bulshada marka ay dhacaan xaaladahan oo kale, sida xanuunka safmareenka ah ee COVID-19. Waxaad la socotaan in madaxweynuhu uu maalmo ka hor daahfuray barnaamijka cusub ee ‘Baxnaano’ kaas oo lagu caawinayo qoysaska nugul iyadoo Ra’iisul wasaaruhu u qoondeeyay 5 milyan oo looga hortagayo xanuunka COVID-19” ayay sheegtay wasiirku.

Wasiirka ayaa qirtay doorka muhiimka ah ee ururrada bulshada rayidka ah “Doorkiinna muuqda ee shaqada aad haysaan waxay badbaadisaa qoysas badan, waxayna wax ka badasha noloshooda gaar ahaanna kuwa nugul ee aan haysan cid taakuleysa.”

Wasiirka ayaa ku baaqday in il naxariis leh lagu eego baahiyaha gaarka ah ee dadka nugul, xilliyada ay xaaladaha adagi jiraan, gaar ahaanna haweenka, Carruurta iyo naafada oo ah kuwa saameynta ugu badani gaarto xilliyada musiibooyinka. “Waa in aan ka qeybgalinaa dadaallada socda, gaar ahaanna wacyigalinta si loo yareeyo saameynta uu xanuunka safmareenka ahi ku yeelan karo dadka.”,

Shirka ayaa ahaa mid taxaddar gaar ah la siiyay amarrada caafimaadka ee la xiriira kala fogaanshaha bulshada inta uu xanuunku jiro. Isu imaatinka qeybaha kala duwan ee haweenka bulshada rayidka ah ayaa horseeday in la is dhaafsado afkaarta qaabka ugu habboon ee taakuleynta iyo mideynta dadaallada haweenka ee ku aaddan ka jawaabista xaalladan soo korortay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com