HomeUncategorized

Warsixaafadeed ay soo saareen gudiga haga barnaamijka doorashooyinka Dawladdaha hoose ee Puntland ka dhicidoona

Garoowe,19,feb,2013 Garoowe War Saxaafdeed Gudiga Haga Barnaamijka Dimoqoradiyenta (DSC) ee doorashooyinka soo socda ee dowladaha hoose Puntland oo kulan la qaatay saraakiisha Puntland.

Xasan Sheekh oo David Cameron u Hambalyeeyay
?Mushkilada Laascaanood waa xasuuqa Falastiin oo kale, haddii aysan Puntland xorayna shacabku ayagaaba dhaqaaqi doona? Gaashaan.
Puntland oo fasaxday shaqaalaha, iyo Qaban-qaabada xuska 1 luulyo oo ka socota Garoowe iyo Muqdisho.

Iyadoo ay qayb ka tahay qaban qaabooyinka Puntland ee doorashooyinka soo socda ee dowladaha hoose ee ku qorshaysan bisha May 2013, ayaa Gudiga Haga Barnaamijka Dimoqoraadiyeynta waxaa ay b oo ah koox ah toddoba deeq-bixiyayaal (Midowga Yurub, USAID, Denmark, DFID, Norway, Sweden iyo Switzerland) ? wuxuu manta? qaban-qaabiyey wafdi booqday Garowe si uu ula kulmo saraakiisha dowlada Puntland, Gudiga Doorashooyin Ku Meel Gaarka ah ee Puntland iyo shurakada kale sida ururada bulshada.

Wafdigu wuxuu muujiyey sida bulshada caalamka ugu go’ an tahay la-fal gelidda hanaanka dimuqoradiyenta Puntland iyo sida ay u soo dhaweynayaan horumarka la gaaray ilaa hadda oo la furay xisbiyo siyaasadeed ayadoo ay is diiwaan geliyeen lix urur siyaasadeed. Gudiga Haga Barnaamijka Dimoqoradiyenta wuxuu rajaynayaa sii balaarinta xuridda siyaasadeed usbuucayada soo socda ayadoo ururada siyaasadeed ay bilaabayaan xulashada musharaxiintooda una dhaqaaqayaan marxaladda ololaha iyo iyadoo ururada bulshada ee Puntland iyo warbaahintaba sare u qaadayaan dadaaka ku aadan wax-bariida daweynaha iyo wacyi gelinta cod-bixiyaha

Intii lala shiraayey saraakiisha Puntland, kooxda ka socotay Gudiga Haga Barnaamijka Dimuqoraadiyenta waxay mar kale adkeeyeen in deeq-bixiyayaash ay si buuxda ugu howlan yihiin taagyeeridda dooroshooyinka ugu horeyey ee ebed ka dhaca Puntland taasoo ay dadka reer Puntland ku dooran doonaa hogaamiyayaashooda degaan iyo barlamaanba.

Kooxdu waxay ka hadashay sida ugu haboon ee ay Puntland ku horumarin karto hanaanka doorashooyinka iyadoo la xaqiininaayo lahaansh buuxda iyo is-wediin waqtiga fog ah.

Ugu dambayntii, Kooxda Gudiga waxay ka hadleen habka maamulku ku xaqiijinaayo in dooroshooyinka soo socda ku dhacaan jawi nabad iyo xuriyad ah oo ay ku jirto qorsha nabadeed lana ogolaado xuriyad ay helaan waxbaahinta maxada banan, mucaaradad iyo banaan-baxyo nabadeed kuwaasoo unugyo assaasi ka ah dadaalka dimuqoradeynta xaqa ah.

Kooxda Gudiga iyo shurakadooda waxay diyaar u yihiin in ay sii caawiyaan dowlada Puntland iyo shurakada Puntland si loo horumarin lahaa hanaan dimuqoraadi ah oo xaq ah kaasoo u noqon karo tusaale gobolada kale ee Jumhuuridda Federal Soomaaliya.

Dammaad.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: