?Mushkilada Laascaanood waa xasuuqa Falastiin oo kale, haddii aysan Puntland xorayna shacabku ayagaaba dhaqaaqi doona? Gaashaan.

Garowe, January, 22 ? Wasiiru-dawlaha maamul-wanaaga madaxtooyada Puntland Maxamed Faarax Ciise ?Gaashaan? ayaa rabshadaha ka taagan magaalada Laascaanood ku tusaaleeyay xasuuqa ay Israel ku hayso dadka Falastiiniyiinta, waxaana uu hadalkiira raaciyay haddii aysan Puntland Laascaano xorayn in shacabku ay dhaqaaqi doonaan oo ay is xorayn-doonaan.

Maxamed Faarax Ciise ?Gaashaan? oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa tilmaamay in baabuurta xamuul-ka qaada lagu soo guray dad boqolaal kor u dhaafaya oo aan u dhalay degmada Laascaanood, kuwaasoo looga danleeyahay inay Laascaano ka sameeyaan bannaanbaxyo lagu taageerayo Somaliland, si ay u muujiyaan shacabka Laascaanood inay yihiin dad taabacsan maamulka Somaliland.

Wasiir Gaashaan ayaa carrabka ku dhuftay inuu mar-labaad canbaareynayo duulaanka ay Soomaaliland kusoo qaaday Buuhoodle iyo qaska ay ka wado Laascaanood, waxaana uu shacabka deegaankaasi ugu baaqay inay iska difaacaan heeryada Soomaaliland.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com