HomeUncategorized

Puntland oo fasaxday shaqaalaha, iyo Qaban-qaabada xuska 1 luulyo oo ka socota Garoowe iyo Muqdisho.

Garoowe, 30, June 2013- Qaban qaabada xaflado balaaran oo la xiriira xuska 1, Luulyo ayaa ka socota meelo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dhulka Soomaalida joogto ee debeda ah, Muqdisho ayaa la filayaa in munaasabada ugu weyn ee xuskaasi ay ka dhacdo caawa saqda dhexe, sidoo kale deeganada Puntland ayaa qaban qabada laga dareemayaa.

Garaad C/llaahi Cali Ciid oo fool-xumo ku tilmaamay faragalinta dawladda federaalku ay kuwado maamulka Jubbaland (Dhagayso).
DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Arbaco_23
Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo soo saaraysa sharci haga mashaariicda gargaarka iyo horumarinta ee laga fulinayo Puntland.

Garoowe, 30, June 2013- Qaban qaabada xaflado balaaran oo la xiriira xuska 1, Luulyo ayaa ka socota meelo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dhulka Soomaalida joogto ee debeda ah, Muqdisho ayaa la filayaa in munaasabada ugu weyn ee xuskaasi ay ka dhacdo caawa saqda dhexe, sidoo kale deeganada Puntland ayaa qaban qabada laga dareemayaa.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland Cabidweli Xirsi Cabdulle (Indho guran) oo shir jara,id maanta ku qabtay caasimada Puntland ee Garoowe? ayaa ku dhawaaqay in ay fasaxan yihiin dhamaan shaqaalaha dowlada maalinta xuska xoriyada ee 1, luulyo darteed.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ?Gen, Cabdisamad Cali shire ayaa ku dhawaaqay guddi qaban qaabo ah kuwaasi oo caawa soo bandhigi doona nooca Puntland looga xusayo sanadguuradii 53 aad ee ka soo wareegtay wakhtigii xoriyada ay qaadatay Soomaaliya 1960, ?wakhtigaasi oo isna ah midowgii gobollada koonfur iyo woqooyi ee ay guumaysan jireen Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland Cabdiweli Indha guran ayaa yiri ? Sidaad la socotaan berito waa 1, luuliyo oo ah maalintii ay gobollada koonfureed ee dalka ay ka xorroobeen guumaystihii Talyaaniga, ?sidoo kale waa isku biiritaankii gobolladii ingiriisku guumaysan ee wooqooyi iyo kuwa koonfureed, ?waxaan oran karnaa waa maalinta ugu muhiimsan ee Soomaaliya, waxaan leeyahay shaqaalaha Puntland dhamaantiin waa fasaxan tihiin berito, waana idiiku hanbalyeynayaa maalinta xoriyada?.

Docda kale wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Soomaalidu isku duubnaato oo ay xusuustaan wixii guumaysi uu dalku soo maray isla markaasna olole u galaan in ay helaan dowlad buuxda si ay ula jaan qaadaan caalamka intiisa kale, Wasiirku wuxuu ku baaqay in laga hortago cid kasta oo caqabad ku ah nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa galabta ka socota diyaar garowga xuska 1, luulyo oo ku began caawa saqda dhexe waxaana halkaasi gaaray madax ?kala gedisan oo ka yimid dalalka deriska ah sida wasiirka arimaha debeda ee Jabuuti oo maanta muqdisho tegey, waxaana la filayaa in munaasabada ugu balaaran xuska in ay ka dhacayso caawa magaalada muqdisho ee xaruunta dalka Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: