Garaad C/llaahi Cali Ciid oo fool-xumo ku tilmaamay faragalinta dawladda federaalku ay kuwado maamulka Jubbaland (Dhagayso).

?

Kismaayo, June, 06, 2013 ? Afhayeenka issimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa wax laga xumaado waxaa uu ku tilmaamay faragalin uu sheegay in dawladda federaalku ay ku hayso maamulka Jubbaland.

Garaadku waxaa uu sheegay in Jubbaland ay dhismayso, isla markaana aysan jirin ka hor imaan-karta maamulkaan inuu hana qaado, waxaase uu ku goodiyay haddii dawladdu kusii adkaysato go?aankeeda inay dhici-doonto in lagala noqdo kalsoonnida ay ku shaqayso.

Garaad C/llaahi Cali Ciid mar uu ka hadlayay aragtida dawladda ee ku aadan maamulka Jubbooyinka in la waafajinayo dastuurka dalka ayuu yiri ?Door dastuuri aha dawladdu maysan qaadan, mana aysan joojin hoolka doorashada, meeshaan waxaa leh reer Jubbaland, xaq bayna u leeyihiin in rabitaankooda loo xurmeeyo, calaayo xaal annigu oday ahaan gar-kuma siinayo dawladda habdhaqanka hadda ka muuqda?

Afhayeenka issimada Puntlnad waxaa uu gardaro caddaan ah ku tilmaamay shirka dib u hishiisiinta ee dhawaan ay ku baaqaday dawladda Soomaaliya, waxaana uu hadalkiisa raaciyay dadka Jubbaland inaysan jirin wax colaad iyo dagaal ah oo xilligaan ka dhaxeeya.

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?

Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com