Xaalado Amni xumo Oo ka dhashay dagaalkii Mandhera iyo Madaxweyne Uhurru oo hub dhigis ku baaqay.

Nairobi, 30, June 2013- Xiisad ayaa ka aloosnayd deegaanada Mandheera iyo Wajeer ee gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya tan iyo horaantii June markaasi oo ay beelo Soomaali ah ku dagaalameen deegaano ku dhow magaalada xuduuda ku taala ee Mandheera.

Khasaare naf iyo maalba leh ayaa ka dhashay dagaalka beelaha Soomaalida ah ee halkaasi degan, waxaase dhamaadkii bishan uu dagaalku fiday dhinaca deegaanka Wajeer oo isla beeluhu wada degan yihiin, Ciidamada amaanka Kenya ayaase arintaasi qaboojiyey waxaana la gaaray heshiis wadajir ah oo nabadeed.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa kulan kula qaatay xaruunta Madaxtooyada Kenya ee ku taala Nairobi odoyaasha Soomaalida ah ee dhinacyada dirirtu ka dhexeyso, isagoo ugu baaqay in loo baahan yahay in ay is ka soo wareejiyaan hubka sharci darrada ah ee dhalintu ay haystaan.

28 June, ayaa waxaa Saddex qof lagu dilay magaalada Wajeer halka uu dhaawac ka soo gaaray Labbo ruux oo kale kadib markii goob lagu shaaho Bam gacmeed lagu tuuray, laamaha amaanka ayaa sheegay in dagaalkii beelaha ee ka dhacay deegaankaasi uu saamayn ku yeeshay amaanka gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Uhurru Kenyatta oo saxaafada kula hadlay gurriga madaxtooyada ee Kenya ee magaalada Nairobi kadib kulanka uu odoyaasha la qaatay wuxuu sheegay in dowladiisa ay talaabo adag ka qaadi doonto dhibaatooyinka soo noq noqda ee dagaal beleedka ah, Kuwaasi ?oo inta badan ka dhaca deegaanada Soomaalidu degto iyo deeganka Tana River ee dhinaca Cost-ga ee dalkaasi Kenya.

Raad adag ayey ku reebay ?dadka deeganada woqooyi Bari dagaalkii ka dhacay? miyiga Mandheera waxaana joogsaday xataa isu socodka magaalooyinka Mandheera Wajeer iyo Garisa, ?bartamihii bishii dhamaatay ee June ayaa labba 2 qof ?ku dhinteen markii dadku buux dhaafiyeen goob baabuurta laga raaco oo ku taala Wajeer, ?sidoo kale dhaawacyo ayaa ka dhashay isbuurasho iyo baabuur la baacsaday.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com