Warfaafinta Soomaaliya Oo ku war-gelisay xaruumaha warbaahinta dalka in ay is diiwaan geliyaan

Muqdisho, July 16- 2013? – Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo dheer kadib waxay baaq u jeedisay xaruumaha war-baahinta dalka, ?kuwaasi oo aan haatan haysan sharci Dowli ah oo ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi oo maanta shir jaraa?id ku qabtay gudaha Muqdisho ayaa baaqaasi jeediyey, isagoo sheegay in loo baahan yahay in xaruumaha oo dhan ay isku soo diiwaan geliyaan 45 maalmood gudahood.

Shirka Jaraa?id ee uu qabtay wasiirka wasaarada warfaafinta ee Soomaaliya mudane Ciilmooge wuxuu ku sheegay in lagu guuleystay meel marintii sharciga saxaafada dalka, taas bedelkeedana loo baahan yahay in dhamaan xaruumaha war-baahineed ee dalka oo dhan ay is diiwaan geliyaan.

? Meel marinta xeerkii saxaafada waa lagu guuleystay, haatan waxaa qorshuhu yahay in la hor geeyo guddiga saxaafada ee Baarlamanka si ay uga doodaan, wuxuu dhowrayaa xuquuqda war-baahinta iyo saxafida? ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya mudane Ciilmooge Xirsi.

Docda kale wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya ayaa shirkiisa jaraa?id ee maanta wuxuu ku qeexay qeybo ka mid ah xeerka cusub, isagoo sheegay in sharcigan uu muujinayo dhowrista xuquuqda war-baahinta dalka iyo saxafigu in uu ilaaliyo xuquuqda ay ku leedahay warbaahintiisa.

Golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya ayaa dhowaan meel mariyey xeerka saxaafada ee dalka, waxaana soo dhoweeyey hay?ada war-baahinta dalka qeybtood iyo urarada saxaafada ee wadanka ka jira, in kastoo aan weli la hor geyn guddiga war-baahinta ee baarlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com