Warbixinta Tartan & Tacliin: Muntada Sare Burtinle fkf Mubaarak Sare Dhahar (dhegayso)

HomeWararkaMaqaalo Kale

Warbixinta Tartan & Tacliin: Muntada Sare Burtinle fkf Mubaarak Sare Dhahar (dhegayso)

SOMTEL | share your world | Soomaaliya oo dhan Barnaamijka Tartan & Tacliin oo si toos ah uga biloowday Radio Daljir, xarunta Daljir Bossaso, a

BADBAADO & Maymuum Cali Nuur Geyfane, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Galmudug
Dugsiga Sare ee Maxamed Cawaale Liibaan, Bossaso waa Horyaalka TARTAN & TACLIIN
Maqaal: Geedi Socodka Nabadda Somaaliya

SOMTEL | share your world | Soomaaliya oo dhan

Barnaamijka Tartan & Tacliin oo si toos ah uga biloowday Radio Daljir, xarunta Daljir Bossaso, ayaa galay sannadkii 13aad. TARTAN & TACLIIN waxaa maalgaliya Shirkadda SOMTEL iyo Jaamacada Badda Cas.

Kadiska caawa iyo TARTAN & TACLIIN waxaa qaybtii hore ku tartamay Muntada Sare ee Magaalada Burtinle iyo Mubaarig Dhahar, halka qaybta labaadna ay foodda is dareen oo tartan kulul uu dhexmaray labada dugsi sare ee iyana kala ah Bursaalax Sare iyo Maxamed Cawaale Bosaaso

Barnaamijka TARTAN & TACLIIN oo ay maalgalinayso shirkadda SOMTEL ayaa maamulka shirkaddu waxa ay dhegaystayaasha u ballanqaadeen inta uu socdo tartanka in ay soo hordhigi doonaan su’aalo ku qotoma adeegyada ay shirkada u hayso macaamiisheeda ku xeeran deegaanada Puntland.

Habeen dambe waxaa barnaamijka ku tartami doona Xaaji Cabdullaahi Ballidhidin iyo Suldaan Hure Secondary; halka qaybta laabaadn ay ku tartami doonaan Cabdilaahi Ibraahin Sare Ufayn fkf Bacaadwayn Secondary.

Barnaamijka Tartan & Tacliin waxaa suurtagaliyey Shirkada SOMTEL | share your world iyo Jaamacada Badda Cas, waxaana qayb ka ah Dalladda Waxbarasha PEN iyo Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo waliba Radio Daljir oo aad nagala socotaan.

Warbixinta TARTAN & TACLIIN ee caawa waxaa inoo haya, noona diyaariyey wariye Xasan Heykal.

Hoos ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: