Dugsiga Sare ee Maxamed Cawaale Liibaan, Bossaso waa Horyaalka TARTAN & TACLIIN

***

SOMTEL | share your world | SOMTEL adeeg casri ah Soomaaliya oo dhan | Ku xirnoow SOMTEL

***

 

Magaalada xeebta ee Eyl waxaa caawa ku soo gabagaboobey horyaalka tartan aqooneedka dugsiyada sare ee Puntland ee TARTAN & TACLIIN, una dhexeeyey labada dugsi sare ee isku soo haray, kala ahna Eyl Sare iyo Maxamed Cawaale Sare, Bossaso, halkaas oo guushu ku raacday Maxamed Cawaale Sare.

Tartan & Tacliin waa kadis sannadeed sannad walba bisha Ramadan oo dhan ka baaha Radio Daljir, waana sannadkii 13aad ee TARTAN + TACLIIN. Bahda Radio Daljir iyo shirkadda SOMTEL waxay tahniyad u diraysaa dhammaan dugsiyada sare ee ka soo qaybgalay tartanka, siiba labada dugsi sare ee caawa horyaalka ku tartamay.

Barnaamijka Tartan iyo Taclin waxaa sahlay shirkadda SOMTEL, waxaana qayb ka ah Jaamacada Badda Cas, dalladda waxbarashada ahliga ah ee Pen, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, iyo waliba Radio Daljir oo aad baahinta caawa kala socotaan, xarumaha Daljir oo dhan.

Hambalyo Dugsi Sare Maxamed Cawaale Liibaan, Bossaso. Hambalyo Eyl Sare.

Radio Daljir

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com