Maqaal: Geedi Socodka Nabadda Somaaliya

HomeWararkaMaqaalo Kale

Maqaal: Geedi Socodka Nabadda Somaaliya

Waxaa cid walbaa ka dharagsan tahay,geesi socodka nabadayn ku soo dabaalida dalka soomaaliya oo ah mudo ku dhaw rubuc qarani MAQNAANSHO DAWLO.Halaagya

Farriinta Barnaamijka Badbaado
BADBAADO: Badbaadi bulshadaada, naftaada, diintaada, dhaqankaaga & jirintaankaaga (daawo | Taxanaha 12aad)
Mashruuca hormarinta Beeraha Timirta Puntland, maanta iyo berri (Puntland)

Waxaa cid walbaa ka dharagsan tahay,geesi socodka nabadayn ku soo dabaalida dalka soomaaliya oo ah mudo ku dhaw rubuc qarani MAQNAANSHO DAWLO.Halaagyada iyo musiibooyinka waa wayn ee dalku dhaca,kuwooda uugu xun waxaa kamid ah MAQNAANSHO DAWLO,taasoo keenta in hubku gacanta u galo shacabka iyo wax magaratada.dad yawgii ahaa ilbaxda iyo dawlad yaqaanka,hadalo badan ayay ka yiraahdeen arimahaan.waxaanse jeclahay in aan soo qaato hal hadal oo nin axsaabi jaliil ahi yiri allaah haka raali ahaadee“Konton iyo kow sanadood oo  ah xukun diktaytar ah ama xukun xun ood ku hoos noolaato ayaa ka khayr badan hal maalin oo aad ku noolaato MAQNAANSHO DAWLO”.

Dawladnimada dadka qaarkii maba fahmi karaan.aduunyada hada waxaa gabaabsi kasii ah oo ku yar amaba ay adagtahay in lahelo waxaa loo yaqaan(Savage People) dad weeye u nool una dhaqma sida xayawaanka duur joogta ah,oo horor ah,waxaa kaloo la yiraahdaa waa dad badaw ah oo  unool sidii xiliyadii dhuga,oo nool alyacni bilawgii aadanaha siduu u dhaqmi jiray hada u dhaqma. burburka ka hor isma lahayn hor illaahay dad noocaan ah oo heerkaan ah ayaa ku nool soomaaliya.

Dawladnimooy xaal qaado,sida aynu wada ognahay dawladan hada jirtaa waa dadaashay,waana muuqdaa waxay ka qabatay dhaqaale ahaan iyo nabad galyo ahaan dalkeena mudo bila ah oo ay shaqaynaysay.in talaabo hore loo qaaday caalamka iyo dadka ilbaxa ah ee soomaaliyeed waa qireen waana ku faraxsan yihiin.

MAXAY KU DHISAN TAHAY DAWLAD NIMADA HADA JIRTAA DALKEENA?

Waxaa lagu saleeyay wax ku qabsi beeleed wax loogu yeeray,waxaa diiday oo ka horyimid qabiil in wax lagu dhiso,dadkii ilbaxa ahaa sida PUNTLAND.xiligii madaxwayne Cabdullahi yusuf waa kii diiday ee deegaan taagnaa,madaxwayne Dr cabdiraxmaan waa diiday in soomaali qabiil wax loogu dhiso,waxaa lagu qanciyay kolkii danbe in waxan laga bixi doono ay uugu yeereen  4.5 oo ah waxaynaan waligeen arag oo maqal afar beelood oo waa wayn oo dhamays ah iyo qolo kale oo iyadu nus ah! soomaali oo dhan ayaa ka qayliday fool xumadaan.waxaana keenay SAVAGE PEOPLE kaa aan kor ku sheegay.Dawlad goboleedka Puntland markii hada la dhisaayay baarlamanka hada jira oo ah aqal sare iyo mid hoose way diiday in qabiil lagu saleeyo wixii ka dhacay soomaali waa ogtahay aduunkuna waa ogyahay.

Markaa dawlada hada jirtaa lagama soo dooran hab deegaan,iyo nidaamyada aduunyada ka jira ee lagu dhiso dawladnimada,aqalka sare iyo midka golaha shacabka laguma soo dooran nidaamaka dawladnimada iyo ilbaxnimada,waxaa la qaatay rabidii SAVAGE PEOPLE ay keeneen soomaaliya.soomaalidii kale oo dhan waxaa lagu aamusiiyay sabra waa laga baxayaa waxani waana loo jeedaa wax soconaya in aysan ahayne.waa khalad wayn oo laga galay umada soomaaliyeed.

Wali maynaan gaarin baarlamaan aqal sare iyo golaha shacabka oo lagu soo doorto nidaam dawli ah,sida caalamka,maynaan gaarin aqalka sare iyo golaha shacabka xubnahooda oo ku kala jira xisbiyo siyaasadeed oo dalku leeyahay. mana jirto xisbiyo ku tartamay dalkeena oo midna guulaystay qaarna yihiin mucaarad iyo muxaafid xisbiga guulaystay wax la dhistay.Tan waxaa gaadhay soomaaliland. Hasa yeeshee soomaaliyana dawladan hada jirtaa waxay u gogol xaaraysaa in lagaaro mustaqbalka xisbiyo iyo nin iyo codkiis,hadana amaankii iyo kala danbayntii ayaa lagu mashquul san yahay dalkuna waxa uu ku jiraa dagaal cadawga iyo dawlad diidka lagu sifaynayo.

 DHAQ DHAQAAQA KOOXDII XAARAN QUUTAYAAL AYKA WADAAN MOGIDSHO KICIN QABIIL

Waxa jira in dalkeena ay sabab u noqdeen in dawladi ka dhalan waydo dadkaa badawda ah ee aan kor ku xusay mudo 27 sanadood ah,waxaana la haray arimo la xariira garaadka iyo aqoonta dawlad nimo iyo dhaqanka oo ay ka ardan yihiin,mana fahmi karaan macnaha dawladnimo.hada waxaa ayaamahan dawladan ku soo duulay dhawr nin oo ay hogaaminayaan,Cabdiraxmaan cabdi shakuur,Fiqi,odowaa,mahad salaad.kooxdan oo soomaalidu u taqaan XAARAAN QUUTAYAAL. 

XAARAAN QUUTAYAAL kuma socdaan fikir iyaga ah ee waa lasoo adeegsaday.waxay fulinayaan arimo lagu soo lacag siiyay oo ah inay dawladan ridaan dalkana galiyaan khalkhal iyo fawdo,si shabaab u soo rogaal celiyo oo shacabka u gumaado. iyagu waa dawlad diid.waxay ku badasheen diintii,soomaalinimadii,dawladnimadii,xoogaa shilimaan ah.waxay ka xun yihiin nabada ay heshay MOGDISHO iyo hormarka ifafaalaha dawladnimada dhashay.

XAARAAN QUUTAYAAL waxay rabaan in ay shaatiga ka wasakheeyaan,beelo iyo siyaasiyiin karaamo ku leh bushada dhexdeeda barina waji ka heli kara in ay dalka wax ka noqdaan.waxay sameeyeen qaybin lacag loo dhiibay oo lagu ilaalinayo,waxay hareer mareen nidaamkii dawliga ahaa,waxayna abuureen waxaan jirin oo ah inay iska furtaan shirar ay uugu yeereen talo wadaag si halkan ay uugu dhex dhuuntaan.waxay iska dhigeen xisbiyo iyo ururo dawlad ah oo kamadax banaan nidaamka dawliga ah ee dalka ka dhisan.sidii iyadoon dalka sharci jirin ay tahay waa jib in lasoo maro ayay iskood uugu dhawaaqeen,olole dhanka ah dawlada iyo waxaan jirin oo khuraafaad ah dalka lagu duminayo amaankiisa iyo dawlad nimadiisa.

XAARAAN QUUTAYAAL waxaa loo soo dhiibay inay fuliyaan kicin qabiil,ileen dawlada iyo baarlamanka waxba kama qaadi karaan saamayna kuma yeelan karaane.waa baas abuur iyo arimo qabyaaladeed oo cadaan ah.waxay u gafayaan Magaca CAASIMADA SOOMAALIYEED MOGDISHO.waxayna ka dhigeen in beel gaara leedahay dadka kale oo madaxwaynuhu u horeeyana yihiin marti,lagana saari doono qori caaradii. waa arkaysaa waa sumcad dilid iyo kicin qabiil.

DAWLADAHA ADUUNKA WAA DIMUQURAADI OO SIYAASIYIIN BAA MEEL ISKU URUURSANAYSA OO SHIRTA MIYAA? MISE SHARCI BAA KA YAAL?

Dawladaha aduunka oo dhan gaar ahaan kuwa dimuqraadiga ah,kama dhacdo in koox siyaasiyiin ah oo qaarkood baarlaan yihiin qaarna ka baxsan yihiin in ay is uruursadaan,oo shir qabsadaan kana hadlaan arimo siyaasadeed.Hadayba dhacdo waa danbi lagu muto xabsi daa in ama dil dalalka qaarkood.shuruucda dawladuhu sina uma aqbo mana dhici kartaba fal noocaan oo kale ah.shir siyaasiyiin warkeed iskabadaa ee waxaan dalalka nidaamka leh iyo dimuqraadiyada ka jirin,in dad koox ah ay qabsadaan shir aan ku saabsanayn siyaasad iyo wax u dhaw toona,iyaga oo aan dawlada dalkaa hay adaha amaanka ka haysan ogolaasho ay ku qabsadaan shirkaas.

Dadka ilbaxa ah ee dawlad yaqaanka ahi waa fahmayaan laakiin kooxdan XAARAN QUUTAYAASHA ahi waxay ceebeeyeen shacabka MOGDISHO oo ay ay uugu sheekeeyeen dimuqraadiyada ayaa sidan ah xor baanahay waa shiri karaa dawlada waa diidi karaa.dawlada qaab loo mucaarado iyo meel lagu mucaarado ayaa jirta iyadoo sharciga la marayo. shir waa la qabsan karaa hadii uusan amaanka wax u dhimaynin dalka,ogolaan shahana dawladaa bixinaysa.Lama ogola nidaamka dawliga ah in dalka lagu qabto shirar aan dawladu raali ka ahayn oo hay adaha amaanku ogolaan sida sharcigu qabo dawlad walba caalamka. meeshu ma xero geelbaa!! ma fawdo iyo xiligii dagaal oogayaashii ayaan wali ku jiraa?

Dawladeenu waa ku celcelisay,sharciga dawliga ah in lasoo maro oo ah cidii shir qabsanaysa waa in ay hay adaha amaanka ka haystaan ogolaansho sidan oo ka jirta dalwalba.XAARAAN KUUQATAYAAL waxay u dhaqmayaan in ay dawlad kale iyagu yihiin,oo ay xor u yihiin in ay iska shiraan,xor u yihiin in ay qabiilooyinka isku diraan,kiciyaan,dawlada laga hor istaago in ay la dagaasho shabaab oo MOGDISHO nabadayso oo hormariso.waxay ku leeyihiin maxaan dawlad uuga baahanahay oo ka waydiisanaynaa,meesha ma dawlad baa jirta siyaad bare ayaa kursiga  fadhiyee? cid aan ka tuugayno majirto in aan shiro,cidii naga hor timaadna gobolada dhexe aan isaga yeera naynaa,meeshii aan adeerkiis siyaad marinay shalay aan marinaynaa.nimanka warkoodu sidan yahay waxay yihiin shacabka soomaaliyeed waa u cad yahay iyo dawlada soomaaliyaba sharcibaana dalku leeyahay fawdo maha siday moodeen ee ay u dhigayaan.

Waaba niman dawlda dhaaf siisan oo dawlado kale la haysta oo aan aqoon sanay ba sharciga iyo dawlada soomaaliyeed.waxayba ku dooda yaan oo dadka aan dawlada aqoon uugu sheekaynayaan,in ay khalad tahay in nabad sugida qaranku guri u dhacaan iyagoo gudanaya waa jib qaran iyo ilaalinta amaanka dalkeena.iyagu waa dawlad diid cadaw ah.waxay wadaan fawdo iyo dumin dawlada hada jirta iyo amaankoo faraha ka baxa MOGDISHO.waxay la dirirayaan ilbaxnimada iyo dawladnimada iyo sinaanta.waxay rabaan gunimo,sidooda oo kale ah,dawlad la aan,amaan daro iyo shisheeye u adeegid damacooduna waa uun sideed ku heshaa doolar.

XAARAN QUUTAYAAL xiligoodii  waa dhamaaday 27 sanadood kadib.waxay ka masayr san yihiin ilbaxnimada FARMAAJO.

Qorre Yuusuf Cumar

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: