Warar kasoo baxaya khasaaraha qaraxii Muqdisho (sawiro)

Warar kasoo baxaya khasaaraha qaraxii Muqdisho (sawiro)

Ugu yaraan labaatan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxii ugu xoogga waynaa ee kadhaca magaalada Muqdisho oo galabta kadhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa konton ruux sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in la qabtay nin looga shakinsanyahay inuu waday gaarigii qarxay, waxaana sidoo kale socda baaritaano dheeraad oo lagu ogaanayo khasaaraha qaraxa uu gaystay oo gaaray goob aad uga durugsan masaafo ahaan goobtii uu qaraxu kadhacay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com