War saxaafadeed: Dawladda Puntland oo beenisay warbixin ay qortay Financial Times ee lacag madax-furasho ah oo lagu qabay madaarka Muqdisho.


Puntland State of Somalia
Garowe

WAR-SAXAFADEED
29 May 2011

Garowe, May 29 – Dowladda Puntland ayaa maanta beenisay warbixin lagu daabacay jaraa?idka Financial Times maalintii 27 May 2011.

Warbixintaasi oo cinwaankeedu ahaa ?Britons held as ransom drop goes wrong? ayaa lagu sheegay ajnabi lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo burcad-badeed u sida lacag madax-furasho ah, iyadoo la sheegay in lacagtaasi ay u socotay magaalada Galkacyo.

Dowladda waxay xaqiijinaysaa in aysan jirin lacag madax-furasho ah oo dhex marta garoomada dayuuradaha ee Puntland, iyadoo sidoo kale xaqiijinaysa in Dowladda Puntland aysan wax xiriir la leheen shirkadaha burcad-badeedka Somalida u keena lacagaha madax-furasho.

Dowladda Puntland ayaa si adag uga horjeeda bixinta lacag madax-furasho ah, iyadoo qaddiyadaasi ay Dowladda hore uga sheegtay kulamada caalamiga ah dhowaanna Madaxweynaha Dowladda Puntand Dr Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) uu ka sheegay kulankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay Magaalada Nairobi kula yeesheen maamuladda Somalida.

Dowladda ayaa aaminsan in warbixino khaldan ay bixiyaan dad qeyb ka ah siyaasadaha Somalia lana siiyo jaraa?idka caalamka.

Waxaa xusid mudan in tan iyo sanadkii 2009-ka ay hoos-u-dhac weyn ku timid dhaqdhaqaaqa burcad-badeedka Somaliyed ee xeebaha Puntland, iyadoo sabatuna tahay siyaasadda iyo waxqabadka Dowladda Puntland. Ilaa 305 burcad-badeed ayaa iminka ku xiran xabsiyadda Puntland.


Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia
E-mail: [email protected]
Web: www.puntland-gov.net http://daljir.com/


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com