Idiris Shiikh Xasan: “Xeelad lagu Burburin Karo Alshabaab Ayaan Hayaa”

Idiris Shiikh Xasan: “Xeelad lagu Burburin Karo Alshabaab Ayaan Hayaa”

Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay wax ka bedasho dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.

Idiris Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in dagaalkani oo hadda uu kusoo biiray Maraykanka aynaan waxba ka bedali karin xaaladda qalafsan ee uu dalka ku jiro.

Waxaa uu sheegay in shacabka ay dowladda ku taageeri karaan markii ay ka helaan wixii ay u baahan yihiin oo aynaan ku taageeri karin adeeg la’aan, tusaale in ay u hirgaliso adeegyadii bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Dowladda federaalka ayuu sheegay in ay muhiim tahay in wajiyo kale ay ku raadiso nabadeynta dalka maadaama dagaalka uu muddo socdo.

“Ajaaniib badan oo dalka timaada dagaalka kuma imaanayo, waxaa hubanti ah in haddii shacabka ay dowladda la shaqeeyaan in dagaalka weji cusub uu yeelanayo, sidoo kale dowladda haddii ay shacabka siiso adeegyadii muhiimka ahaa waxaa imaan doonta in dadku aysan aqbalin wax walbo oo dowladda lagu dhibayo, dagaalkana weji cusub ayuu u baahan yahay” ayuu yiri Idiris.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • caagane 7 years ago

    waa xaqiiqo dhaba taaas dagaalka in loo bedelo dagaal qabow lana sameeyo guul wadayaal shacabka dhiiri geliya kana dhadhiciya cawaaqib xumada ay leedhay in umada ladhibaateeyo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com