Wajiga koowaad ee tirakoobka shaqaalaha Puntland oo Maanta la soo gaba-gabeeyay

Sabti, Juun 06, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 6-6-2015 ka qeyb-galay xafladda xiritaanka wajiga koowaad ee tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Puntland iyo daahfurka wajiga labaad.

Munaasibadaan oo ka dhacday hoolks shiraraka ee PDRC ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Waasiiro, xildhibaano, agaasimayaal katirsan wasaaradaha iyo madaxtooyada Puntland,  waxgarad, haween , dhalinyaro, fanaaniinta waaberi Puntland iyo masuuliyiin kale.

Gudiga farsamada iyo dib-uhabaynta shaqaalaha dawladda Puntland ayaa madasha ku soo bandhigay natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday wajiga koowaad ee shaqada loo idmaday , halka iyana kooxda waaberi Puntland hab suugaaneed ugu soo bandhigeen shaqada adag ee gudigaas qabteen.

Hadafka laga leeyahay dib u eegista iyo habaynta maamulka shaqaalaha dawladda Puntland wuxuu ku salaysan yahay in qofkasta oo kamid ah shaqaalaha dawladda uu helo aqoonsi iyo macluumaad la xiriir sida go\’aanka shaqaaleynta , dalacsiinta, fasaxyada. anshaxmarinta , ruqsaynta , geerida iyo wixii lamid ah .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in hirgelinta  tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Puntland uu qeyb ka ahaa balanqaadyadii uu sameeyey oo fulay, waxaana uu si aad ah ugu mahadceliyey gudigii uu howshaa u xilsaaray oo si wanaagsan ugutay waajibaadkii shaqo ee uu faray.

\’\’ Waa muhiim in lahelo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda lagana warhayo habka ay u shaqeeyaan , hadana waxaa noo soo dhammaaday wajigii koowaad ee ahaa in tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda la helo \’\’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa guud ahaan shacabka reer Puntland ugu bishaareeyey in dhawaan la soo dhisi doono hay\’adda tababarka shaqaalaha oo la rajeynayo in shaqaalaha Puntland aysan meel kale u aadin tababar, aqoontoodana kor loogu qaadayo dalka gudihiisa.

Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa si hamsami leh u fulaya balanqaadyadii uu sameeyey Madaxweynuhu xiligii doorashada, waana arrin aad u wanaagsan oo niyad sami gelinaysa shacabka reer Puntland oo kalsooni buuxda ku qaba dawladooda.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com