HomeUncategorized

Wafuud ka socda dawladaha U.K. iyo Norway oo Booqday Puntland.

Garowe, Apr 02 - Wafuud ka socda dalalka United Kingdom iyo Norway oobooqasho rasmi ah ku yimid Puntland ...

Dhagayso Barnaamijka Caawa iyo Daljir Isniin May 02- 2016 – Wariye Maxamed Cabdulaahi Kooshin(Studio Daljir Garowe)
Maxkamada racfaanka gobolka Bari oo laashay xukun horay loogu riday shaqaale ka tirsan wasaarada Kaluumaysiga (daawo)
DHEGEYSO-Lixdan jir lagu diley deegaanka Ceel-xabley ee G.Bari.

Puntland State of Somalia

Garowe
WAR-SAXAAFADEED
02 Abriil 2011

Wafuud kala gedisan kana socda dalalka United Kingdom (Ingriiska) iyo Norway ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Puntland todobaadkii ugu danbeeyey ee bisha Maarso iyadoo Mas?uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland ay madaarka dayuuradaha ee Garowe ku soo dhaweeyeen wufuudani.

Mudane Matt Baugh oo ah U-qaybsanaha dowladda UK ee arrimaha Somalia ayaa la kulmay madaxda ugu saraysa Dowladda Puntland oo uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole), Madaxweyne-ku-xigeenka Gen. C/samad Cali Shire iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland.

Wada-hadaladii u dhaxeeyey labada dhinac ayaa ku saabsanaa deeqaha Dowladda UK ay siiso Somalia, mowqifka Dowladda Puntland ee kaga aadan arrimaha Dowladda Federaalka KMG ah oo xilkeedii dhamaad yahay, iyo weliba colaada iyo daandaansiga uu ka wado Maamulka Somaliland qeybo ka tirsan gobollada Puntland.

Madaxda Dowladda Puntland ayaa si weyn u dhaleeceeyey dhaqdhaqaaqyada colaadeed uu wado Maamulka Somaliland oo duulaan ku ah Degmada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ee Puntland. Wafdiga UK ayaa la kulmay Issimo ka socda Gobolka Cayn oo cadeeyey inay si adag uga soo horjeedaan dhaqdhaqaaqyada colaadeed oo uu wado Maamulka Somaliland.

Wafdiga UK ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Badda ee Puntland Marine Force (PMF) oo markaasi ku howlanaa biyo-dhaamin ay ka wadaan tulooyinka iyo degmoyiinka ay abaaruhu saameeyeen.

Dhanka kale, wafdi uu hogaaminayo Mudane Hans Jacob Frydenlynd oo ah ku-xigeenka Agaasimaha-Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Norway ayaa booqasho ku yimid Puntland, iyadoo wafdigaasi uu ka mid ahaa Ambassador Peter Raeder.

Madaxda Dowladda Puntland ayaa ku qaabilay Wafdiga Norway xarunta Madaxtooyadda ee Garowe, halkasoo looga wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed, arrimaha la xiriira la dagaalanka burcad-badeeda Somaliyeed, iyo deeqaha mucaawino ay Dowladda Norway siiso dalka Somalia.

Wafdiga Dowladda Norway ayaa warbixin laga siiyay waxqabadka Dowladda Puntland ee la dagaalanka burcad-badeeda, iyadoo haatan ay ku xiran yihiin xabsiyadda Puntland in ka badan 240-qof oo burcad-badeed ah.

Wufuudii timid ayaa booqday goobo badan oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo ka qaybgalay Shirweynihii Haweenka Somaaliyeed oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: