Wafti uu hogaaminayo afhayeenka baarlamaanka Puntland oo la kulmay jaaliyada Puntland ee Oslo, Norway.


Oslo, Sept 10 – Wafti uu hogaaminayo afhayeenka baarlamaanka Puntland Md. C/rashiid Maxamed Xirsi, ayna weheliyaan guddoonka guddiga doorashada ee Puntland Maxamed Xasan Barre iyo Cali C/raxmaan Xirsi, iyo C/xamiid Ciise oo ka tirsan mudanayasha baarlamaanka ayaa kulan is-waraysi ah la yeeshay jaaliyada Puntland ee magaalada Oslo, Norway.

Ujeedada safarka waftiga ayaa la xiriirta sidii ay waaya-aragnimo uga heli lahaayeen, farsamana uga baran lahaayeen hirgelinta doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka Norway oo berri (11-ka bisha) ka bilaaban doona dalka Norway.

Guddoonka doorashada Puntland ee dhawaan la magacaabay ayaa hawsha ugu weyn ee sugaysaa ay tihiin afti-u-qaadida dastuurka cusub ee Puntland ka hor hirgelinta doorashooyinka golayaasha deegaanka, midanayaasha baarlamaanka iyo madaxda Puntland.

Waftigsa ayaa uga xog warramay jaaliyada Puntland ee dalka Norway qorshaha geedi-socodka dimuqraadiyadeed ee Puntland, waxa uu hirgalay illaa iyo hadda, carqaladaha ka hor iman kara, iyo jadwalka doorashooyinka.

Waftigaa ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda baarlamaanka, hoggaanka golayaasha deegaanka, iyo mudanayaasha baarlamaanka mudada ay ku sugan yihiin Norway.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com