Wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda PL iyo QM oo maraya xeebaha Nugaal iyo Karkaar.

Eyl, April 12 – Wafdi ballaaran oo ka socda dawladda Puntland iyo hay?adaha Qaramada Midoobay (QM) ka jooga Puntland ayaa maanta (Isniin) kormeeray degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Wafdiga ka socda QM iyo dawladda Puntland ayaa u kuurgalay xaaladda noleleedeed ee ka jirta degmada Eyl, gaar ahaan saamaynta abaarta, caafimaadka iyo raadadkii ay reebeen burcad-badeedda oo mar ay degmadu saldhig u haan jirtay.

Mas?uuliyiinta degmada Eyl, odayaasha iyo wax-garadka qaybaha kale bulshada ayaa si wafdiga si diirran ugu soo dhaweeyay markii ay soo gaareen degmada.

Socdaalka kolanyadan oo ka kooban in ka badan afartan gaari iyo boqol qof ayna ka mid yihiin wasiirro, agaasimyaal, guddoomiyeyaal gobol, taliyeyaal ciidan iyo madax sar-sare oo ka socota hay?adaha kala duwan ee QM ayaa ku wajahan sidii loo ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanada ay marayaan oo si daran abaartu u halakaysay.

Wariye ka tirsan Daljir oo la socda wafdiga, Xuseen Cabdi Jimcaale ayaa sheegay inay arkeen dad aad u tabaalaysan iyo xoolo dusha ka madoobaaday abaarta darteed.

Wafdiga ayaa inta ay ku gudajiraan safarkooda tagi doona magaalooyinka Xaafuun iyo Caluula iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolada Nugaal iyo Karkaar.

Puntland iyo degaanno badan oo Soomaaliya ah ayaa haatan waxaa ka taagan abaaro ba?an kuwaas oo ay sababeen baaqashadii roobabkii dayrta ee kal hore, waxana jira reer miyi aad u tirabadan oo kusoo qaxay magaalooyinka kadib markii ay xoolihii dhaafeen. Maalmahaan ayaa waxa aad loo dhawrayaa curashada xilliga guga, kaasoo mar horeba ka curtay qaybo ka mida gobollada dalka.

Axmed Sh. Maxamed ?Tallman?
Daljir, Boosaaso

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com