Wacaal Daray ah: Baarlamaanka Galmudug oo kalsoonidii kala laabtay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wacaal Daray ah: Baarlamaanka Galmudug oo kalsoonidii kala laabtay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kulan degdeg ah oo ay iskugu yimaadeen xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Galmudug gelinkii dambe ee Talaadada maanta ah ayay xilkii madaxweynimo uga xayuubiyeen madaxweynihii maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Fadhigaan degdeg oo ay ka soo xaadireen 55 mudane oo Baarlamaanka Galmudug ah, ayaa 52 mudane u codeeyeen xasaanad ka qaadista madaxweynaha, halka labo mudane ay diiden midna uu Amuusay.

Kulankaasi xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ay xilkii uga xayuuniyeen madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaa shir guddoominayey guddoon cusub oo wakiillada fariistay ay iska dhex doorteen, kadib markii xabsi guri la geliyey guddoomiyihii Baarlamaanka iyo madaxweyne kuxigeenkiiba.

Madaxweynaha Galmudug ee Baarlamaanku uu kalsoonida makhribnimadii galabta ayaa xilka madaxweyne hayey muddo dhawr bilood, mase cadda xilka qaadistaasi in ay noqon doonto mid sharciga waafaqsan iyo in kale.

Todobaadkii ugu dambeeyey maamulka Galmudug waxaa ka aloosnaa khilaaf xooggan oo u dhaxeeyey madaxda maamulkaasi kadib markii ay ku kala aragti iyo siyaasad duwanaadeen muranka siyaasadeed ee waddamada Carabta, taasoo timid markii madaxweyne Xaaf uu ayiday go’aanka xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadkan ee ah go’doominta dalka Qadar, halka madaxweyne kuxigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaankuna ay taageereen go’aankii siyaasadeed ee dawladda federaalka oo ahaa mid dhexdhexaadnimo ah.

Waraysiyo Ku Saabsana Xayubinta Xaaf ee Xilka looga Xayuubiyey Lasoco

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com