Wabiga Shabelle oo ku fatahay tuulooyin hoostaga magalada Joowhar.

HomeWararka

Wabiga Shabelle oo ku fatahay tuulooyin hoostaga magalada Joowhar.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey agagaarka magaalada Jo

RW khayre Muqdisho kulan kula qaatay Ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka
Laamaha amaanka Puntland oo Amaro ku saabsan dhaqdhaqaaqa Magaalada Garoowe soo saaray (dhegayso)
Madaxweyne Gaas oo Iclaamiyey Dagaal iyo Aarsasho Daacish/Al-shabaab iyo Ciidamo la Diyaariyey

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey agagaarka magaalada Jowhar ee caaamimada maamul goboleedka Hirshabelle.

Wabiga ayaa ku fatahay tuulooyin dhowr oo hoostaga magaaladaasi, iyadoona ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa tuulooyin ku yaala jiinka wabiga.

Tuulooyinka uu wabiga ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same, Raqayloow, Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, iyo Buur Fuule oo dhamaan hoostaga magalada Jowhar.

Cabsida laga qabo biyo farabadan ee uu wado wabiga shabeele ayaa ku qasabtay qooysas tuulooyinkaas daganaa in ay guryahooda ka cararaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: