Waa Sidee Xaaladda Magaaladda Qardho kadib daadan ku soo fatahay (Daawo)

HomeWararka

Waa Sidee Xaaladda Magaaladda Qardho kadib daadan ku soo fatahay (Daawo)

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar xalay waxaa ku soo rogmaday daadad biyood oo lixaadleh, kuwaasi oo ka dhashay roobab saacadihii ugu dambee

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Bulshada Gaalkacyo iyo golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo (Sawiro)
Xubinta Sicirka & Suuqa

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar xalay waxaa ku soo rogmaday daadad biyood oo lixaadleh, kuwaasi oo ka dhashay roobab saacadihii ugu dambeeyey ka da’ayey degmada Qardho iyo deegaannada ay maamusho iyo kuwo ka durugsan oo isla Puntland.

Guryo badan oo magaalada Qardho ah ayaa illaa hadda la xaqiijiyey in ay dumeen, waxaa kaloo buuxsamay bakhaarradii raashinka, dukaannadii ganacsiga iyo guriyihii deegaanka ahaa ee isla magaalada Qardho badankooda, waxaana biyuhu ay la tageen baabuur, lamana sheegin wax dad ah oo ku dhintay daadadkaasi sida uu Radio Daljir u xaqiijiyey duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere.

Dhinaca kale haatan magaalada Qardho waxaa ka socda gurmad lagu lagu maagganyahay in lagu badbaadiyo dadka, loogana daad-gureeyo guryahooda, iyadoo loo saaranayo meelo ka baxsan magaalada Qardho oo haatan biyuhu ay joog sare marayaan.

Korontadii magaalada ayaa go’an, biyuhuna si hawli ah ayay u soconayaan saacado, iyadoo haatan magaalada Qardho ay gashay xaalad degdeg, mana jirto wax gaadiid ah oo caawa galaya magaalada Qardho ama ka baxaya.

Duqa magaalada Qardho Cabdi Siciid Dheere oo goordhaweyd oo caawa ah wareysi siiyey Radio Daljir, ayaa noo sheegay in ay wadaan gurmad lagu daad-guraynayo dadka, iyadoo la adeegsanayo baabuurta waaweyn ee ciidamada iyo cagaf-cagafyo.

Hoos ka daawo Waraysiga Duqa.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: