Ururka Qurbajoogta Puntland oo shir ku yeesheen Toronto, Canada.

Ref: PDF/011126 Date: July 4, 2011
www.puntlanddiaspora.org [email protected]

Toronto, Jul 04 – Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Hogaanka Caalamiga ah iyo xubnaha PDF ee waqooyiga Maraykanka iyo Europe ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada Bishan July 1da-2da 2011.

kulankan balaaran oo lagu gorfeenayo dar dar galinta waxqabadka Ururka Qurbajoogta Puntland ayaa waxaa ka soo qeyb galay wufuud ka kala socota chapters ururka PDF, indheergarad iyo aqoonyahano kale oo iyagana si gaar ah loo casumay si ay khibradooda, iyo aqoontoodaba ugu biiriyaan figrad uruur ku wajahan tabagalinta himilada Ururka PDF.

Wafuudda iyo indheergaradku waxa ay isla jeex-jeexeen qodobo dhawr ah oo ururka PDF ay u soo qadimeen in ay ka tala bixiyaan marka laga eego dincyada hurumarka iyo caqabadaha soo wajahay Ururka PDF labadii sano ee la soo dhaafay. Waxa kaloo shirka lagu gorfeeyay sidii ay isukaashan lahaayeen Jaaliyada Puntland ee ku nool dacalada addunka.

Shirka oo socday 1dii-2dii July, 2011 ayaa waxa looga dooday afar qodob oo waawayn oo kala ahaa:

– Sida loo turxaan bixin lahaa xidhiidhka PDF iyo maamulka sare – wasaaradaha ka jira Puntland iyo horumarinta waxqabadka Puntland.
– Sida ururka uu uga muuqan lahaa masraxa siyaasadeed ee caalamiga, iyo wadaniga ah oo looga arinsanayo mustaqbika Soomaaliya.
– Sida loo balaarin karo xubnaha joogtada ah ee ururka PDF looguna soo biirin lahaa xubno ehel u ah waxqabad, aqoon iyo waayo aragnimo leh.
– Iyo sida uu qabsoomi lahaa shirka guud ee sanad laha ah ee ururka PDF ku doorto hogaanka golaha iyo guddoomiyahooda.

Shirkan ayaa waxaa martigalintiisa iyo qaban qaabadiisaba isku soo duway chapterka Toronto ee ururka PDF.

Guddoomiyaha Qurbajoogta Puntland Cabdullaahi Ciise oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa ugu baaqay qurbojoogta Puntland iney u guntadaan sidii ay u dardargalin lahaayeen waxqabdkooda ugana taageeri lahaayeen dadka reer Puntland dhinacyada horumarinta, amaanka iyo taakulaynta abaaraha. Intaasi kadib waxaa halkaasi wafuuddi ka qaybgalaysay shirka loo kala qaybiyay laba kooxood oo ka dooda laba qodob kooxdiiba dabeedna dib ugu soo celiya guud ahaan xubnaha shirka ka qaybgalay talo bixintooda.

Kadib markii la aruuriyay talo soo jeedintii xubnaha ka qaybgalay shirka ayaa ugu dambayntii habeenimadii fiidkii waxa casho sharaf loo sameeyay wafuuddii ka qaybgashay shirka ayaa waxa ka soo qayb galay odayada dhaqanka, haweenka, iyo qaybaha kala duwan bulshada ku dhaqan magaalada Toronto oo loo soo bandhigay waxyaabihii ka soo baxay shirka ururka qurbajoogta Puntland.

Waxa duco iyo waano kadib shirkii soo gunaanaday Guddoomiyaha ururka Cabdulahi Ciise oo mahad gaar ah uga celiya sfaraka dheer ay ka qybgalyaasha kulanka u soo mareen ka mira dhalinta shirkan oo ku dhamaaday guul wax ku ool ah.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com