Ururka al-shabaab oo bedelay xubnaha sar sare ee maamulkiisa gobollada Baay iyo Bakool

Diinsoor, November 2, 2013 – Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya ayaa is bedel ku sameeyey maamulkiisa gobollada Baay iyo Bakool, xili bilihii tegay ay dagaalo dhowr ah ka dheceen gobolladaas una dhexeeyey Al-shabaab iyo meleteriga huwanta ah.

Gudoomiyihii gobollada Baay iyo Bakool ee ururka Al-shabaab Sheekh Mahad Cabdi Kariim ayaa gelinkii dambe ee shalay xilka laga qaaday, in kastoo aan la sheegin sababta is bedelka loo sameeyey.

War ka soo baxay ururka al-shabaab ayaa lagu sheegay in sheikh Cabdulaahi Geeddow loo magcaabay gudoomiyaha ururka ee gobolladaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo ururka Al-shabaab ayaa weli isku baacsanaya gobollada Baay iyo Bakool, arintan? is-bedelka maamulka ayaa lagu sifeeyey xeelado cusub oo ururku damacsan yahay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com