Ururka Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka oo ku dagaalamay bannaanka degmada Jowhar

Jowhar, July 30, 2013 – Gobolka shabeelaha dhexe ee Soomaaliya waxaa xalay ku dagaalamay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka ah iyo kooxda Al-shabaab, dagaalkaasi oo ahaa mid culus oo si weyn looga dareemay deeganada uu ka dhacay.
?
Magaalada Jowhar ee xaruunta gobolkaasi ayaa wararku sheegayaan in laga maqlay rasaasta culus ee ay is dhaafsadeen Al-shabaab iyo meleteriga dowladda federaalka ah, waxaana jira fariisimo ay ciidanka dowladda ku leeyihiin duleedka Jowhar.
?
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi ka dhacay gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan duleedka Jowhar, mana jirto cid ka tirsan labbada dhinac oo ilaa wakhtigan ka hadlay dagaalkaas ka dhacay gobolka.
?
Wararku waxay sheegayaan in dagaalku uu qarxay xili ay weerar ku soo qaadeen ururka al-shabaab fariismo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka Jowhar, xaalada guud ayaa haatan degan waxaana howgalo amni sugid ah ay ka socdaan Jowhar.
?
Diiwaanka wararka
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com