HomeUncategorized

Ururka Ahlu-sanna oo taageeray mawqifka Farmaayo, gaashaankana u daruuray qodobaddii Kampla.

Caption ...

Sawirro-Ciidanka Puntland oo gurmad gaarsiiyey qaybo kamid ah gobolka Mudug.
DHEEGEYSO-Khudbaddii 1da Aug uu kajeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed.
Hogaanka Al-Qaacida oo Ku baaqay weerarro ka dhan ah Reer Galbeedka

Dhuuso-marreeb, June 14- Shir ay iskugu yimaadeen maamullada degmooyin uu ka arrimiyaan ururka Ahlu-sunna waljameeca ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa lagu taageeray mawqifka iyo wax-qabadka xukuumadda R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaayo.

Shirkaan oo soconayey muddo labo maalmood kana dhacay magaalada Dhuubo-marreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey mawqifka R/wassaraha Soomaaliya iyo xukuumaddiisu ay ka taagan yihiin nuxurkii ka soo baxay shirkii magaalada Kampla ee waddanka Yagaandha, waxaana ay sheegeen in la dhawro sharciga iyo axdiga waddanka u yaalla lagana gudbo rabitaanka shaqsiyadeed.

Madaxda Ahlu-sunna ee shirkaasi ka qayb-galay ayaa waxaan la iska indhatiri-karin ku tilmaamay tallaabooyinkii wax-qabad ee xukuumadda Farmaayo ay ku dhaqaaqday muddadii koobnayd ee ay shaqaynaysay, iyagoo dhinaca kalena dhaliilay hanka iyo damaca labada shariif.

Shirkaan ayaa gaba-gabadii go?aamo laga soo saaray waxaa ugu miisaan-cuslaa in aan la dhanyalsan rabitaanka umadda Soomaaliyeed iyadoo laga duulayo bannanbaxyada joogsan waayey ee magaalada Muqdisho ee lagu diidan yahay nuxurkii Kampla gaar ahaanna shaqo katagidda R/wasaaraha taasoo ay tilmaameen in ay ka turjumayso xaqiiqada iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: