Uhuru Kenyatta iyo Musavani oo kawada hadlay la dagaalanka Al-shabaab

Talaado, Juun 02, 2015 (Daljir) — Labada Madaxweyne, Uhuru Kenyatta iyo Yoweeri Museveni ayaa hadalkaasi ka sheegay mar ay ka hadleen Munaasabad loogu dabaal-degayey 52-guuradii Xorriyadda Daakhliga Kenya ee Madaraka Day, oo shalay lagu qabtay Garoonka K/cagta ee Nyayo National Stadium ee magaalladda Nairobi.

Uhuru Kenyatta waxa uu ka hadlay Alshabaab iyo Xag-jirnimadda, wuxuuna xusay inay Dowladda qaadayso tallaabo kasta oo wax looga qabanayo arrimahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in la kordhiyey miisaaniyadda iyo qalabaynta Ciiddanka Ammaanka, si looga hortago weeraradda Alshabaab iyo Xag-jirnimadda, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo isagana ka qeyb galay Munaasabadda Madaraka Day ayaa sheegay inay Kenya iyo Uganda si dhow isaga kaashan doonaan La-dagaalanka Alshabaab.

“Waa loo itaal sheegtay Alshabaab, haddii aysan dagaal toos ah la geli karin Ciiddamadda, balse waxay weeraraan Rayidka oo aan ku lug lahayn Siyaasadda” ayuu yiri Museveni oo sida caadada u ahayd  mar kale sheegay in Dagaalamayaasha Alshabaab laga guuleystay.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday weerarkii Alshabaab ay bishii April ku qaadeen Jaamacadda Garissa, wuxuuna weerarkaasi ku sheegay inay astaan u tahay inaysan Alshabaab haysanin doorasho kale, waa isda uu haadalka u yiri.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com