Turkiga oo masaafuriyey dagaalamayaal reer galbeed oo jihaad u yimid

Turkiga oo masaafuriyey dagaalamayaal reer galbeed oo jihaad u yimid

Turkey ayaa masaafurisay Jihaadi Mareykan ah, toddoba kale oo Jarmal ahna waxaa la filayaa inay cayriso dhammaadka toddobaadka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Hal jihadi oo ah dagaal-yahan argagixiso American ah ayaa laga masaafuriyey Turkey kadib markii uu dhameystay hanaanka” ayuu yiri Ismail Catakli, sida ay ku warantay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu.

“Sidoo kale barnaamijka safarka ee toddoba qof oo u dhashay Jarmalka ayaa lagu soo geba-gebeeyey xarmaha masaafurinta. Waxaa la masaafurin doonaa 14-ka November,” ayuu yiri.

Turkey ayaa sidoo kale masaafurin doonta 11 qof oo Faransiis ah oo lagu qabtay dalka Syria, sida uu sheegay afhayeenka.

Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay masaafurin doonaan muwaadiniin u dhashay Denmark iyo Ireland.

Turkey ayaa dalalka reer galbeedka ku dhalleeceysay inay diideen in loo masaafuriyo muwaadiniintooda ka midka nqoday kooxda Daacish ee dalalka Syria iyo Iraq.

“Waxaan masaafurin doonaa, saddex, shan, toban, ma jirto sabab aad uga baxsan kartaan. Waan idin soo diri doonnaa, ula macaamila sida aad doontaan.” Ayuu yiri Ismail Catakli.

Ma cadda sida Turkey u awoodi doonto inay masaafuriso muwaadiniinta ay dalalkooda kala laabteen dhalashada.

In kasta oo xeerka New York ee 1961 uu sharci-darro ka dhigayo in dadka laga dhigo dal la’aan, haddana dhowr dal oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Britain ayaan sharicgaas saxiixin, waxaana kiisas arrintan la xiriira ay dhowaanahan billaabeen dagaal sharci oo dheer.

Britain ayaa dhalashada ka qaadday in ka badan 100 qof oo la tuhunsan yahay inay ku biireen ururo argagixiso oo caalami ah.

Diwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAR WAX ARGAGAXISO,XAG JIR,JIHAADIYIIN LA DHAHAA MA JIRAAN LKN WAXAA JIRA KOOXO USHAQEEYA CIA,MI6,MOSSAD OO ISKU TILMAAMA JIHAADIYIIN SIDA: ALSHABAB,ISIS,ALQACIDA,ALNUSRA,BOKO,ALNUSRA,YBG,iwm.KUWAASOO AH KOOXO LOO SAMAYSTAY CEEBAYNTA DIINTA ISLAAMKA(DIIN ARGAGAXISO) & BURBURINTA DUNID MUSLIMKA.TUSAALANA WAXA KUUGU FILAN WAXA KASOCDA SOMALIYA,SURIA,LIBIYA,CIRAQ,AFGHAN,YEMEN,IWM.
    HADAD MAQASHO ISIS,ALSHABAB,ALQACIDA,BOKO,YBG,ALNUSRA.IWM WAXAAD OGAATAA INAY KA AMAR QAATAAN WASHINGTON DC & TEL AVIV.MUSLINA MA AHA OO WAA CALOOSHOOD USHAQAYSTAYAAL.
    WARBAAHINTA SOMALIDA WAXAA KA MAQAN XIRFADII WARBAAHINED WAXAYNA NOQDEEN KUWO SOO TEBIYA DHACDADA AMA WARKA JIRA EE AAN IS WEYDIIN WARKAANI MA IIDHEH BAA? MA WAR CID GAARA AH LEEDAHAY BAA?OO AAN NAQDIYIN.WAXNA BAARIN.WAYNA KABA BAQAAN WARARKA KOOXAHAAS OO MAR KOOXAHAAS YARYAR BAY KA BAQAAN MARNA SIRDOONADA CAALAMIGA AH EE SOO DIRSADAY KOOXAHAAS BAY KA BAQAAN!!.
    WAXAANSE ARKAA IN WARBAAHINTA SOMALIDU KA MAQANTAHAY XIRFADII AQOONTII WARBAAHINEED LKN AT TAHAY WARBAAHIN REER TAMAREED!!!.WAANA ISKA CAADI REER TAMAREEDNIMADU.
    LKN WAXAAN RABAA IN LA NAQDIYO WAX JIHAADIISTE AH INAYSAN JIRIN.
    WAX ATGAGAXISO AH INAYSAN JIRIN.
    WAX XAGJIR AH INAYSAN JIRIN.
    WAX ISLAAMIISTE AH INAYSAN JIRIN.
    LKN AY JIRAAN KOOXO ISU EKAYSIIYA OO KA AMAR QAATA CIA,MI6,MOSSAD,ISI,iwm.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com