Hogaamiye kooxeedkii DR Congo oo la dilay

Hogaamiye kooxeedkii DR Congo oo la dilay

Ciidamada dalka DR Congo ayaa sheegay inay dileen hogaamiye kooxeedka lagu magacaabo Musabimana Juvenal iyo afar maleeshiyo oo la socotay, kadib howlgal ballaaaran oo ay ciidamada ka sameeyeen Bari wadankaasi.

”’Waxaan dilnay hogaamiye kooxeedkii kooxda Hutu “Musabimana Juvenal, kadib isku dhac xoogan oo dhex maray maleeshiyo taabacsan iyo ciidamada dowladda ayuu yiri” sarkaal u hadlay ciidanka DR Congo.

Musabimana Juvenal ayaa ahaa horjeegaha kooxda lagu magacaabo Hutu Democratic Forces for the Liberation, kooxdaasi oo ka howl gasha wadanka Rwanda.

Mussabimana Juvenal ayaa sidoo kale hormuud ka ahaa xasuuqii loo geystay qabiilka Tutsi sanadkii 1994.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com