Qodobadi ugu Muhiimsana ee ay kawada hadleen Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Sheekh Shariif iyo Danjiraha Midowga Yurub

HomeWararka

Qodobadi ugu Muhiimsana ee ay kawada hadleen Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Sheekh Shariif iyo Danjiraha Midowga Yurub

Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed oo ahna Guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya N

Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xilliga la horgeynayo Heshiiska doorashada
Maxaa iska badalay Amniga Magaaladda Gaalkacayo (dhegayso)

Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed oo ahna Guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez.

Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka iyo cudurka halista ah ee coronavirus.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigey Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayuu ku faahfaahiyay qodobada loogaga hadlay kulankan oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Madasha Xisbiyada Qaran.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo dhigey bartiisa Facebook Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh

Waxaan maanta xaruntiisa ku booqanay aniga iyo xubno kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez oo aan ka wada hadalnay qodobadan:-

1- Ilaalinta dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, innaga oo la wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka.

2- Aragtideenna ah in aan marna la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Qaranka 2020/21.

3- Qoondada haweenka ee golayaasha sharci dejinta ee ah 30%, innaga oo u xaqiijinnay in Madasha Xisbiyada Qaran ay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya taageera la qabto in la ilaaliyo oo aan marnaba lagu xadgudbin.

4- Qaabka la isaga kaashan karo sida looga hortagi karo qatarta cudurka CoronaVirus oo caalamka guud ahaan dhibaato ku haya, looguna baraarujin lahaa Soomaalida qatarta cudurka.

Madasha xisbiyada Qaran waxay diyaar u tahay ka qayb galka doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna kasoo horjeeddaa wax kasta oo lagu baajinayo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21 iyada oon ka digeyno in madaxda dowladdu marmarsiiyo u raadiyaan dib u dhigista dooraahada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: