Maxaa iska badalay Amniga Magaaladda Gaalkacayo (dhegayso)

Magaalada Gaalkayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa mudooyinkii udambeeyay ku talaabsatay Horumar dhinacyo badan leh wixii ka Danbeeyay heshiiskii Nabadeed oo labada dhanac ay kala saxiixdeen.

Amniga Magaalada ayaa soo laabtay wixii ka danbeeyay hirgalinta iyo Dhismihii Ciidamada Booliska iskudhafka ah ee labada dhinac , Waxuuna Amniga magaalada Gaalkacyo uu gaaray xili dadku ay isku socdaan saqda dhaxe xiliyada Habeenkii ah.

Magaalada Gaalkayo ayaa waxa ay ku taala meel istiraatiiji ah,hadii ay hesho Amni wanaagsan , waxaa macquul ah in waqti kooban ay ku gaari karto horumar lataaban karo.

Hadaba Duqa dagmada Gaalkacyo Yaasiin Axmed Tumey ayaa Daljir Radio uga waramay horumarka ay ku talaabsatay mudada kooban magaalada Gaalkacyo? Amniga iyo ganacsiga ka socda? kasoo kabashada Dagaaladii ka dhacay iyo dhaqangalka Heshiiskii Galmudug iyo Puntland? Xiisadii ka taagnayd dhul la sheegay in lagu wareejiyay Talyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya oo Gaalkacyo ku yaalay ? iyo Xildhibaano la sheegay in ay lacago ka qaateen Dad Barakacayaal ah oo ay uga qaateen in ay siin doonaan Raashin,hoos .

Wariye Xasan Heykal oo Bosaaso kusugan ayuu uwaramay Uguhoreena Waxa uu Waydiiyay Xaalada Guud Magaalada gaalkacyo.?


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com