Madaxweyne Farmaajo oo Nayroobi uga qayb galaya shir ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey

Madaxweyne Farmaajo oo Nayroobi uga qayb galaya shir ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalkeenna.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.”

Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade).

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    SHIRKAASI WAA SHIR AAN WAX FAA’IIDO AH SOMALI U LAHAYN XAQIIQDII!!!.
    ..OK.
    WAX UNITED NATION UN LA DHAHAA MA JIRTEE LKN WAXAA JIRA MAQAAYAD MARAYKAN USHIDAN OOLA DHAHO UNITED NATION(U.N.).OOLAGU XUUXIYO DUNIDA SEDEXAAD.
    WAX INTERNATIONAL LAW LADHAHAANA MA JIRAAN..
    DUNIDA NINBA NINKUU KA XOOGWEYN YAHAY BUU BUQUUJINAYAA!!!,ISKA ILOOW UNITED NATION & PLA PLA PLAAAADAAS.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com