Turaanturada Donald Trump, Salaantiisa Maqiiqan iyo Walaaca Angela Merkel

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Turaanturada Donald Trump, Salaantiisa Maqiiqan iyo Walaaca Angela Merkel

"Yurub si buuxda isuguma halayn karto Maraykanka iyo UK, kaddib doorashadii madaxweyne Trump iyo aftidii ay Britain ku go'aansatay ka bixidda Midowga

Maamulka cusub ee SSC-Khaatumo oo la wareegay talada degaanka
Dabaqyo, tareeno iyo jidad: Addis Ababa oo u ekaatay magaalo Shiine (sawirro)
Wacaal daray ah: Saraakiisha Imaaraatka Carabta oo Puntland saaka ka baxaya

“Yurub si buuxda isuguma halayn karto Maraykanka iyo UK, kaddib doorashadii madaxweyne Trump iyo aftidii ay Britain ku go’aansatay ka bixidda Midowga Yurub”, sidaas waxaa tiri huggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel.

Angela Merkel oo hadalkeeda siiwadata ayaa ku dartay in Yurub ay u baahan tahay in ay ka shaqeyso masiirkeeda iyo hormarkeeda. “Waa in qaaraddu xiriir wanaagsan la yeelato labada dal ee USA iyo UK iyo waliba Ruushka,” ayey tiri Angela Merkel.

Angela Merkel ayaa hadalkaas tiri kaddib markii shir madaxeedkii G7 la isku afgaran waayay heshiiska isbedelka cimilada ee Paris lagu gaaray sanadkii 2015.

Shir-sannadeedka G7 ee sannadkaan ayaa wuxuu Yurub ku noqday mid filanwaa ah, ayada oo dhammaan madaxda Yurub ay walaac ka muujiyeen habdhaqanka madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, mid siyaasadeed, mid salaan, iyo mid is-af-garanwaaba.

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska, Emanuel Macron, ayaa dhowr jeer oo Trump uu salaan la soo aaday dhanka kale u jeestay, marna inta uu Trump fiirshay ka siijeestay, salaanna ku boobay Angela Merkel, huggaamiyaha Jarmalka.

Sidoo kale waxaa jornaalada adduunka lagu faafiyey muuqaal Trump ka bixinaya masawir foolxun mar uu inta gadaal iska soo maqiiqay uu si ula kac ah gees u riixay Dusko Markovic, Huggaamiyaha Montenegro, si looga arka safka hore ee sawirka madaxda G7. Waxaa xusid mudan in Montenegro ay tahay dal aad u yar, tiro ahaanna lagu qiyaaso 600, 000, hadana ku soo biiray ururka tunta weyn ee NATO.

Dhanka is-af-garanwaaga cimilada adduunka, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in go’aankiisa ku aaddan heshiiskaas uu shaacin doono toddobaadka dambe. Go’aakaasna wuxuu noqday mid aan ka farxin qaaradda Yurub, siiba Jarmalka iyo Faransiiska.

Angela Merkel ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso xiriirka uu dalkeeda la leeyahay madaxweynaha cusub ee Faransiiska, Emmanuel Macron.

Trump ayaa Washington ku soo laabtay, asaga oo ku waabariistay qalalaaso siyaasadeed oo hor leh iyo xiriir hoosaad la soo wariyey in wiilka 36 jirka ah ee Jared Kushner, qabana gabadhiisa Ivanka Trump, uu la lahaa Kremlinka Ruushka iyo Madaxweyne Putin.

Radio Daljir

Diiwaanka Wararka

  

Muuqaalkii meel kasta laga maqlay iyo tuuraanturadii Trump ee Dusko Markovic, huggamiyaha Montenegro

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: