T+T: Wareegii labbaad oo dhmaaday xalay iyo Dugsiyada sare ee Xamdaan iyo Mubaarak oo soo baxay

Boosaso, July 29, 2013 – Wareegii labbaad ee Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee Dalir ayaa soo dhamaaday waxaana loo gudbayaa wareega kan xiga, in kastoo xalayto ay kulamo xiiso leh oo aqoon dhex-mareen qaar ka mid ah dugsiyada sare ee Tartanka xalayto lahaa.

Xamdaan Secondary ?ayaa xalayto la tartamay Mubtada Burtinle, waxaana tartan aqooneedkaas oo ahaa mid xiiso badan guushu raacday dugsiga sare ee xamdaan oo helay 8 derejo halka Mubtada Burtinle ay heleen 5 derajo, waxaana natiijada ku dhawaaqay guddiga Tartan iyo Tacliin.

Qeybtii labbaad ee Tartanka xalay sidoo kale waxaa aqoon cilmiyeed sareeya soo bandhigay Mubaarak ?Secondary Dhahar iyo Manaaratul Bayda Bosaso, waxaana halkaas guushu ku raacday iskuulka Mubaarak oo helay 10 Derajo halka Manaratul Baydaa Bosaso ay heleen 8 derejo, sida uu ku dhawaaqay Ahmed Kaanu oo ka mid ah Guddiga Tartanka.

Tartan iyo tacliin ayaa lagu wadaa in uu caawa galo wareegiisa saddexaad maadama xalay la soo afjaray wareegiisii labbaad oo ahaa mid xiiso badan, Barnaamijka waxaa iska kaashada Radio Daljir oo baahisa, shirkada Isgaarsiinta Golis, Salaama Bank, dalada PEN, iyo wasaarada waxbarashada Puntland

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com