Tiradda dadka u dhintay Covid-19 dalka maraykanka oo la shaaciyeey

HomeWararka

Tiradda dadka u dhintay Covid-19 dalka maraykanka oo la shaaciyeey

In ka badan rubuc milyan qof ayaa COVID-19 ugu geeriyootay Mareykanka, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins University oo aruurisa xogaha safmark

Xabsiga dhexe ee Bosaaso oo lagu wareejiyay Ciidamada PSFta Puntland
Puntland: Xafiiska Xuquuqul oo naqdiyey Warqad dhowaan kasoo baxday maamulka gobolka Nugaal (daawo)
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

In ka badan rubuc milyan qof ayaa COVID-19 ugu geeriyootay Mareykanka, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins University oo aruurisa xogaha safmarka coronavirus.

Mareykanka ayaa laga diiwaan geliyay 250,029 oo ruux oo dhimasho ah, waana dalka ugu dhimashada badan caalamka, waxaana xiga dalka Brazil cudurka corona ugu geeriyoodeen 166,699 oo ruux, India oo ku jirta kaalinta sadexaad ayaa dhimshada waxay maraysaa 130,993 oo ruux halka Mexico 99,026 qof u dhinteen safmarka coronavirus.

Madaxweyne Donald Trump oo had iyo jeer hoos u dhigay khatarta cudurka ayaa isu soo bax ka sheegay in doorashadii sadexda bishan ka dhacday Mareykanka uu ku guul dareystay Joe Biden.

Trump wuu diiday in uu qirtay in tartanka looga adkaaday maamulkiisana waxaa ay isku dayayaan in ay hor istaagaan xil wareejinta isagoo adeegsanaya hanaanka garsoorka wadanka Mareykanka.

Arbacadii, madaxweynaha la doortay Joe Biden waxaa uu ka dhigay, “ Ma heysano waxyaabo badan oo aan kaga hor tagno sida qalabka la isaga ilaaliyo tallaalka COVID-19.

Biden ayaa sidoo kale sheegay in faafitaanka cudurka hoos u dhigayso haddii loo ogaansamo tilmaamaha caafimaadka, sida kala fogaanshaha, xirashada af-xirka iyo tilmaamaha kale.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: