Puntland oo ka hadashay geerida AUN Garaad Cabdulaahi Cali Ciid

Puntland oo ka hadashay geerida AUN Garaad Cabdulaahi Cali Ciid

Waxaa saaka ku geeriyooday dalka Turkiga Allaha u naxariiste Afhayeenkii issimadda Puntland Garaad Cabdulaahi cali ciid oo baryihii u dambeyeey ku xanuunsana dalkaas.

Puntland ayaa hadaba ka hadashay geerida xanuunka badan ee ku timid garaadka,waxaana warsaxafadeed ka soo baxay uu qornaa sidan.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya Magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ku geeriyooday Turkiga.

AHUN Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ahaa Af-hayeenkii Isimada Puntland, wuxuu ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, isagoo wax badan kasoo shaqeeyay nabadgelyada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Alle uga baryey Marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid inuu danbigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0