Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo saaray habraaca doorashada Xildhibannada Gobolada Waqooyi

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo saaray habraaca doorashada Xildhibannada Gobolada Waqooyi

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal kusoo saaray Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano (Somaliland) .

Qoraalka kasoo baxay Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee doorashada Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kaga duwan yihin doorashooyinka kale ee ka dhacaya dalka intiisa kale oo uu kajiro Maamul goboleed lagana jawaabayo walaaca & kalsooni darrada ay ka qabaan musharixiinta kuraasta Baarlamaanka & musharixiinta Madaxweynaha ee doorashada 2021 lana raacayo heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo & dowlad Goboleedyada lagana tashtay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uu soo saaray hanaanka maamul iyo habraaca doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku shaaciyay shuruudaha lagu soo xulayo guddiyada doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, Asteynta kuraasta xildhibaannada kasoo jeeda gobolada Waqooyi, habraaca xulista Ergooyinka dooranaya Golaha Shacabka & Aqalka Sare, dhismaha maamulka sare ee degaan doorashada, korjogteynta doorashada iyo amniga Goobta doorashada, waxaana shuruudaha lagu soo xulayo guddiyada doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi kamid ah.

1: in uu yahay muwaadin kasoo jeeda gobolada Waqooyi da’diisuna ka yareyn 25 sano kana weyneyn 70 jir.

2:in uu leeyahay Aqoon Heer Jaamaceed ah.

3:in uu yahay qof dhex-dhexaad ah oo aan kamid aheydn, Urur, Xisbi Siyaasadeedama lagu aqoon in uu sigaar ah ugu ololeeyo musharax gaar ah.

4: in aanu kamid aheyn Shaqaalaha dowladda ee rasmiga ah iyo kuwa kumeel gaarka ah, lataliyeyaasha Xafiisyada dowladda ama Ciidamada Qaranka qeybahooda kala duwan.

5: in lagu yaqaano dhowr sanaan , hufnaan Sharaf & Cadaalad Bulshada dhexdeedee, horayna aan loogu arag musuq maasuq iyo anshax-xumo.

6: in caafimaad aahaan uu gudan karo xilka iyo waajibaadka Shaqo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com