Xabsiga dhexe ee Bosaaso oo lagu wareejiyay Ciidamada PSFta Puntland

Xabsiga dhexe ee  Bosaaso oo  lagu wareejiyay Ciidamada PSFta Puntland

Waxaa saaka degan xaalada Xabsiga dhexe ee magalada Boosaaso ,kadib markii shalay ay ku dagaalameen halkaasi  ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa asluubta ee Xabsiga gacanta ku hayay iyo ciidamadii  ay dowladda u soo dirtay Xabsiga

Xabsigan ayaa waxa haatan gacanta ku haya ciidamada PSF ee sida gaarka utaba baran oo ay maal galiso dowladda Maraykanka.

Dagaalkii shalay ku dhexmaray Xabsiga dhexe ee Bosaaso labada ciidan ayaa waxaa  ku geeriyooday Saddex ruux oo uu mid ka mid ah uu ahaa Maxabiista Xabsiga ku xirneyd, waxaana xabsiga la dhigay ciidamadii horay gacanta ugu hayay Xabsiga ee gadoodka sameeyay.

Dhacdadan ayaa ku soo aaday xili uu Madaxweynaha  Puntland Cabduweli Gaas uu wali  ku sugan yahay Magalada Boosaaso.

Diiwaanka warkan radio Daljir .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com