Tartankii astaynta calanka, heesta iyo summada Puntland oo la soo gunaanaday & kala doorashadii oo bilaabatay.

Garowe, Dec 18 – Waxaa maanta bilawday kala xulashada iyo isku shaandaynta astaamo, heeso, iyo callamo ay hindiseen abwaano, farshaxano iyo dad badan oo ku nool dunida daafaheeda, iyada oo ay shalay ku ekayd soo gudbinta dadku.

Guddiga ay xukuumadu u xilsaartay astaynta muunadeed ee Puntland ayaa sheegay in ay soo gaareen astaamo, heeso iyo callamo caaqiba leh, maalmaha soo socdana kala dooran doonaan, walow aanay sahlanayn in ay si fudud ukala doortaan cadadka soo gaaray awgii.

Tartanka ayaa abuuray xiise gaar ah, si aad ahna ay uga qaybqaateen dad badan oo kala jooga dunida dacaladeeda, ayna tani siisay dhiirigelin dheeraad ah oo u ogolaanaysa in ay kaalin ku yeeshaan go’aamada iyo hawlaha dawlada; waxaana ay tusaale u tahay is-badelka maamul ee ka hanaqaaday Puntland ee iskaashi dhex mara shacabka, hay’adaha dawliga, ah iyo madaxda dawlada.

Waxaa la arkaa in ay horseedo kalsooni labaale ah, iyo is-weydaarsi afkaareed oo ay is dhaafsadaan madaxda iyo dadweynuhu.

Waa markii ugu horeysay ee shacabka laga talo galiyo go’aamada iyo mustaqbalka ummadda, halka sida gaalibka ah guddiyo farsamo loo saaro ikhtiraaca hawlaha noocan oo kale ah, iyaguna ay go’aan ka gaaraan, dadkuna aanay kaalin ku yeelan; marxaladaase waxaad moodaa in laga gudbay.

Mid ka mid ah heesaha ay allifeen abwaanada Puntland ee tartanka astaynta calanka, heesta iyo astaanka Puntland ayaan halkan idiin ku soo bandhigi doonaa.

Miraha heesta ayaa waxaa curiyey abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine) oo ku nool Maraykanka.

Heestiina sidan ayay ku billaabataa:

Puntland barwaaqiyo
Baro weeye nabadeed
Bulsha caafimaadbaa
Mawlahay ku beeroo
Barkhadbaa u hoyatee

Waa dhul beri samaadloo
Baaxaddiisu weyntoo
…Baaxaddiisu weyntoo
Macdan baa ka buuxdee

Berri iyo Bad labadaba
Weli lama ballaynoo
Magantaa ku baridee
Hoy lagu badbaadaay

Buuritiyo Bannaankiyo
Xeebaha ballaartiyo
Durdurrada buutaacaa
Bilicbaa u gaaree

Ugaadhaa ku badanoo
Beeyadiyo Maydiga
Dhirtu noocya badaniyo
Waa boqol kunoo cayn

Hooriska:
PUNTLAND PUNTLAND

Waa beyd nimcadu taal
Baahi laguma seexdoo
Barbarkaad u eegtaba
Waa wada baraaree
Rabbow noo badbaadi

BADBAADI RABBOW NOO BADBAADI


AMA

Puntland barwaaqiyo
Baro weeye nabadeed
Bulsha caafimaadbaa
Mawlahay ku beeroo
Barkhadbaa u hoyatee

Waa dhul beri-samaadloo
Baaxaddiisu weyntoo
… Baaxaddiisu weyntoo
Macdan baa ka buuxdee

Boocamiyo Galdogob iyo
Badhan baa ku taallee
Boosaaso iyo Ayl
Baylaa ku taallee

Bilan Gaalkacyiyoo
Bilicsame Garoowiyo
Beled Laasacaano
Buuhoodlaa ku taallee

Laasqoray baddeediyo
Xaafuun bidhaan wacan
Buuniga Qardho iyo
Ceerigaabo waad u bogi

Hooriska:
PUNTLAND PUNTLAND

Waa beyd nimcadu taal
Baahi laguma seexdoo
Barbarkaad u eegtaba
Waa wada baraaree
Rabbow noo badbaadi

BADBAADI…RABBOW NOO BADBAADI
Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com