Tartanka astaynta calanka, heesta & muunadda Puntland oo maanta ku eg, iyo halabuur door ah oo la soo bandhigay.

Garowe, Dec 17 – Waxaa maanta ku eg xilligii guddiga astayntu ay u qabteen in la soo gudbiyo astaanka, calanka iyo summada ay yeelan doonto dawlada Puntland.

Calamo bilicsan, heeso bilan, iyo astaamo door ah ayaa la soo bandhigay.

Abwaano, fannaaniin iyo qubane fara badan oo ku nool caalamka daafihiisa ayaa afkaartooda ku cabiray sida ay iyaga la tahay astaanta, calanka iyo muunada ku haboon Puntland.

Inkasta oo tiradu ay aad u badan tahay, welina aan la soo gunaanadin tartanka, ayaa hadana Idaacada Daljir waxaa soo gaaray in badan oo ka mid ah calamada, heesaha iyo halabuur door ah oo lagu astaynayo dawlada Puntland.

Halabuurka ayaan ka soo xullay calan uu asteeyey, maanso uu curiyey, iyo hees uu allifay Anwar Maxamed Diiriye oo ku nool Maraykanka.

Halkan ka dhegayso laxanka & muusiqa heesta:

Muunada Calanka:

Geyi udug u noqo bilic, oo ah magaca heesta uu allifay Anwar, ayaa miraheeda waxaa ka mid ah:

Calanyohow barriinsaday
Baallaha qurxoon iyo
Bogga dahabku kaga yaal
Samadaa ka biliglee

Calanyohow bulhamayee
Barwaaqada astaystee
Nabadduna u tahay baaq
Xaqa abid ha baal marin

Nasiib kaaga bari iyo
Bogox laga tilmaan oo
Geyi udug u noqo bilic
Eebbaheen ku barakee

???

Bilahaa is biirsadey
Waa bishaaradaadoo
Islaam beegsanaysee
Barashada ha moogaan

Weligaa bidhaan oo
Midnimada ha baayicin
Burhaantaada lagu farax
Beesha khayr laguu mari

Nasiib kaaga bari iyo
Bogox laga tilmaan oo
Geyi udug u noqo bilic
Eebbaheen ku barakee.

Sifaha Calanka
Midabbada: buluug, caddaan, doog & dahabi.

1. Calanka Soomaaliya & midabkiisa buluugga khafiifka ahiba waxa ay u taagan yihiin wax wada lahaanshaha (federalism) aynu ka naawilayno qaran Soomaaliyeed aayaha, Insha Allah,

2. Caddaanku waxa uu ka dhigan yahay nabdoonaan & deggenaansho,

3. Dooggu waxa uu ka dhigan yahay barwaaqo, jiritaan waara & badbaadinta bey?adda/deggaanka.

4. Dahabigu waa rajo wanaagsan oo oddorosaysa dadka Puntland oo horumar bulsho, dhaqaale kobocsan & caafimaad ku sugnaada goor & ayaanba; dahabigu waxa kale oo uu ka dhigan yahay midabka falaaraha qorraxda, gaar ahaan goorta ay arroortii soo baxayso, maadaama Puntland ku taal barta bari ee ay qorraxdu geyiga Soomaaliyeed uga soo baxdo,

5. Biluhu waa tilmaanta Islaamka, waxana ay tibaaxayaan caqiidadeenna oo ay weliba tilmaamayaan in Islaamku uu gundhig u yahay jiritaankeenna,

6. Xiddigta dahabiga ah ee bilaha u dhexeysaa, waxa ay ka dhigan tahay wadajirka/midnimada & is fahamka bulshada Puntland.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com