HomeUncategorized

TARTAN IYO TACLIIN: Tartan adag oo la isku mari waayay oo caawa dhexmaray Gambool iyo Al-furqaan iyo dugsiga sare Baargaal oo ka guulaystay Dhahar

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa waxaa caawa tartan adag uu ku dhexmaray afar ka mid ah dugsiyada 30-ka ee barnaamijka ka qaybgelaya , dugsiga sare Gambool ee magaalada Garoowe iyo Al-furqaan degmada Baran ayaa ku tartamay qaybtii hore tartankii caawa ee barnaamijka.

DHEGEYSO-Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal oo ka hadlay arrimo dhowr ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Somaliy iyo Masar oo ku kulmay Qaahira
Muqdisho oo maanta lagu soo dhaweeyey dhallinyaro burcad-badeednimo ka waantoobay.
Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa waxaa caawa tartan adag uu ku dhexmaray afar ka mid ah dugsiyada 30-ka ee barnaamijka ka qaybgelaya , dugsiga sare Gambool ee magaalada Garoowe iyo Al-furqaan degmada Baran ayaa ku tartamay qaybtii hore tartankii caawa ee barnaamijka.
 
 
Labada dugsi ayaa soo bandhigay dadaal aad u wayn , waxaana midba kan kalle uu isku dayay inuu dhulka dhigo oo uu ka  qaato dhibcaha guusha ee barnaamijka , balse midna uma suurta galin inuu guulaysto maadaama diyaar garowga labada dhinac uu ahaa mid aad u wayn dadaal badana muujiyeen.
 
Gudoomiyaha guddiga barnaamijka Tartan iyo Tacliin Yuusuf Suudi Cabdi ayaa ku dhawaaqay natiijada kolkii ay soo dhamaadeen  tobanka su\’aal ee labada dugsi lagu waydiiyay barnaamijka , Tartamayaasha dugsiga sare Gambool ayaa waxaa la waydiiyay shan su\’aal waxaana ay  saxeen  afar ka mid ah su\’aalihii la waydiiyay ee xaqa u lahaayeen oo ay ku heleen sideed dhibcood , hal su\’ aalna waa ay ka faa\’iidaysteen sidaasi ayaa waxaa ay natiijada guud noqotay 9- dhibcood.
 
Dugsiga Al-fuqaan ee degmada Baran ayaa la waydiiyay shantii su\’aal oo ay xaqa u lahaayeen , waxaana ay saxeen afar ka mid ah , midna waa ay ka faa\’iidaysteen sidaasi ayaa waxaa ay ku heleen 9- dhibcood guushana ay ku raacday.
 
Dhanka kale qaybtii xigtay ee barnaamijka caawa ayaa waxaa isku arkay dugsiga sare Baargaal iyo Dhahar Secondary , waxaana guusha ay ku raacday dugsiga sare Baargaal .
 
Gudiga ayaa sheegay inay kusoo dhamaatay Baargaal Secondary (8-dhibcood) iyo Dhahar Secondary (7-dhibcood).
 
 
Radio Daljir
Bosaaso.
 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: