Tartan iyo Tacliin oo Daljir ka socda iyo dhamaan iskuuladii xalay tartamay oo bar bar dhac galay.

Boosaaso, July 22- 2013 – Tartan iyo Tacliin ayaa xalay galay habeenkiisii sagaalaad waxaana uu aad uga duwanaa tartamadii hore, kadib markii labada qayb ee barnaamijka oo ay ku tartameen afar dugsi ay dhamaantood galeen barbar dhac.

Qaybtii hore ayaa waxaa ku tartamay dugsiyda kala ahaa Shaafici Bosaaso iyo Al-Azhar Qardho, dadaal ay labada dugsi soo bandhigeen uma suurtagalin in dugsiba, ?dugsiga kale inuu ka guulaysto tartanka , gudoomiyaha gudiga Axmed Cabdullahi (Kaanu) ayaa tartanka markii uu soo dhamaaday ku dhawaaqay natiijadi tartanka.

Qaybtii labbaad ayaa waxaa isku haleelay dugsiga Xaaji Salaad carmo iyo dugsiga sheikh axmed Garagaar, ?labbada Iskuul natiijadii ka soo baxday tartankooda waxaa ku dhawaaqay guddiga barnaamijka Tartan iyo Taclin ee Radio Daljir.

Tartanka ayaa weli sii socda ?waxaa is heleeli doono Muntada Qardho iyo C/laahi Ibraahim oo degmada Ufayn ka dhisan, Xaaji cali Biixi gaalkacyo ayey sidoo kael tartanka caawa waxay isku arki doonaan cumar binu cabdicasiis Bosaaso.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com