Taliyihii ciidanka bileyska Puntland Muuse Axmed Saalax oo lagu aasay Garoowe. [Akhris …]

Garowe, Aug 06 – Alle ha u naxariistee, taliyihii ciidanka bileyska Puntland Muuse Axmed Saalax ayaa maanta lagu aasay magaalada Garoowe ee xarunta dawladda Puntland ka dib markii uu xalay u geeriyooday rasaas ku dhacday.

Taliyaha oo maalmihii dambaba u jiifay xanuun xagga madaxa ah ayaa gacantiisa sababsaday, waxaana uu isku dilay bastoolad uu gacanta ku heystay.

Taliyaha ayaa la xaqiijiyey in bilihii la soo dhaafay uu la tacaalayey xanuun la xiriira dhinaca maskaxda.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo wareysi kooban siiyey idaacadda Daljir ayaa sheegey in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in taliyuhu u gacantiisa isku dilay, ayna sidaasi u xaqiijiyeen dadkii goobta joogay markii uu falku dhacay.

Arintaan naxdinta leh ayaa timid iyadoo dadku reer Puntland ay la anfariirsanaayeen dilkii shalay loo geystay wasiirkii warfaafinta Allaha u naxariiste Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaanka) oo ku dhintay magaalada Galkacyo.

Axmed Sheekh Maxamed (Tallman)
Idaacadda Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com