Taliyaha Qeybta Gobalka Mudug ” Galmudug Jidkay u Gashay Dad Shacab ah Sadex Qof Ayeey Dishay Gaarigina way Gubtay ”(dhegayso)

Taliyaha Qeybta Gobalka Mudug ” Galmudug Jidkay u Gashay Dad Shacab ah Sadex Qof Ayeey Dishay Gaarigina way Gubtay ”(dhegayso)

Fah faahin dheraad ah ayaa kaso baxaysa Dabley hubaysan oo kasoo jeeda Galmudug ayaa dilay dad saarnaa gaari rakaab ah inta u dhaxaysa Gacmafale iyo Godad,taas oo hadda u muuqata mid meesha kasaaraysa Heshiisyadii labada dhinac horey u kala saxiixdeen.

Taliska qaybta Gobolka mudug Aadan Nuur Qaal ayaa Radio Daljir usheegay in saddex qof ay ku dhimatay weerarkaasi asagoona sheegay dadki kadanbeeyay falkaas ay u baxsadeen dhanka Gamudug,gaarigi shacabka saarnayeena ay gubeen.

Aadan Nuur Qaal Ayaa sheegay in Maamulka Galmudug ay ka doonayaan in Gacanta looso galiyo Puntland Maleeshiyaadkaas kadambeyeey dilka sadexda qof ee shacabka ahaa si Cadaalada loo marsiiyo.

Jamaal Faarax Aadan Ayaa Taliyaha Waraystay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0