Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Kenya oo dhuumasho kutagay Jubada hoose.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Kenya, Samson Mwathethe, ayaa booqasho aan la sii shaacin waxaa uu ku tagay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Gobolka Jubada hoose.

Samson Mwathethe, ayaa Ciidamada Kenya ee uu ku booqday Saldhigga Kudhaa ee Degmada Badhaadhe ugu hambalyeeyay sanadkan cusub.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu salaan uga sido Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo bogaadiyay geesinimada Ciidamada Kenya ee dagaalka kula jira AL-shabaab.

Mr Samson, ayaa qiray in intii Ciidanka Kenya ay ka dagaallamayeen Soomaaliya ay la kulmeen laba dagaal oo uu khasaare xoog leh ka soo gaaray kuwaas oo kala ah Ceel Cadde iyo Kulbiyow, hayeeshee ay guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.

“lama idin hilmaamin, waxaad tihiin geesiyaasha dalka, waxaad halkan u joogtaan amniga Soomaaliya oo la mid ah amniga Kenya, marka aad Soomaaliya ku soo celisaan amniga ayey Kenya amni noqoneysaa” ayuu yiri Jeneraal Samson Mwathethe.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com