Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug oo la magacaabay

HomeWararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug oo la magacaabay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Taliye Cusub waxaa uu u Magacaabay Booliska Dowlad Goboleedka Galmu

Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | Taxanaha 105aad (dhaawo)
Dad ku dhintay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen Daanta Galbeed
Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Eriteriya

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Taliye Cusub waxaa uu u Magacaabay Booliska Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska taliye Xijaar ayaa waxaa taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug loogu Magacaabay Janeraal Bishaar Abshir Geedi oo kamid ah saraakiisha Sar sare ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Janeraal Bishaar Abshir Geedi ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Banaadir, Taliyaha Hay’adda Dambi baarista ee CID-da iyo xilal kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa Magacaawda taliyeyaasha Ciidamada Booliska Maamul goboleedyada dalka ka jira marka laga reebo Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf kala dhaxeeyo dowladda,waxaana taliyeyaashooda Magacaaba Madaxweynayaashooda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: