Madaxweynaha Hiirshabeele oo kulan la yeeshay Xubno Beesha caalamka ka tirsan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare o ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca qadka Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayeen wax ka qabashada cudurka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’ arima quseeya amniga, sidii loo dhisi isku duubnaan siyaasadeed iyo waliba xorriyadda Saxaafadda.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay inay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay fududeyso kulan dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa haatan ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraanisaga oo halkaasi u tegay Arrimo la xiriira fatahaada Wabiga Shabeelle.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com