Taliyaha Ciidanka Booliska Carmo oo qarax miino lala beegtay

HomeWararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Carmo oo qarax miino lala beegtay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi ka dhacay qarax miino oo khasaare kala duwan sababay. Jugta qaraxa oo gu

Baarlamaanka Hirshabeelle oo kordhiyay muddo xileedka Madaxweynaha
Wacal daray ah: Ciidanka SSC-Khaatumo oo nolasha ku qabtay Taliye Faysal Cabdi Bootan
Garoowe: Kalfadhigii 23aad ee golaha deegaanka oo lagu soo bandhigay waxqabadka (dhegayso)

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi ka dhacay qarax miino oo khasaare kala duwan sababay.

Jugta qaraxa oo guud ahaan laga maqlay xaafadaha Boosaaso ayaa sida laga soo xigtay goob-joogayaal waxa lala beegsaday gaari uu watay taliyaha ciidanka Booliska degmada Carmo G/sare Axmed Koboc

Wararka ayaa sheegaya taliye Koboc iyo qaar kamid ah askartiisa ku dhaawacmeen qaraxa oo lala beegsaday xilli ay marayeen Ex. Kantarool Boosaaso kadib markii miino la kacday gaarigii ay saarnaayeen.

Goob-joogayaal ku sugan Boosaaso ayaa sidoo kale tilmaamay in qaar kamid ah shacabkii wadada marayay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaraxa oo lagu tilmaamay mid xoogganaa.

ilaa iyo hadda Laamaha Amniga Gobolka Bari kama hadlin khasaaraha ka dhashay qaraxa islamarkaana weli ma jirto cid mas’uuliyadiisa sheegatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: