Tahriibayaal u Baddan Somaali oo lagu Xir Xiray Dalka Giriiga

Tahriibayaal u Baddan Somaali oo lagu Xir Xiray Dalka  Giriiga

Booliska gobolka Rhodes ee waqooyiga dalka Giriiga ayaa xiray laba muwaadiniin oo reer Bulgarian ah oo lagu helay dambi ah in ay Tahriibinayeen 54 Muhaajiriin sharci darro ah, oo 52 ka mid ah ay yihiin Soomaali.

Labada nin oo Da’doodu tahay 38 iyo 36 ayaa lagu soo eedeeyay dambiyo ah in si sharci daro ay u Tahriibin jireen dadka, kadibna ay ka qaadan jireen lacago cadadooda ay badan tahay.

Booliska sidoo kale intii ay ku guda jireen howlgalkii raggan lagu soo qabanayay waxay kaloo gacanta ku sii dhigeen laba baabuur, 100 euro oo lacag ah iyo Shan telefoon oo gacanta ah.

Xeer ilaaliye ka tirsan Maxkamadda gobolka Rhodes ayaa codsaday in si deg deg ah raggan Maxkamad loo soo taago, si loogu qaado dambigii ay galeen, ciqaabtoodana ay u arkaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com